Posts

Showing posts from October, 2026

10 Xeer ee nolosha xasilloon

Image
  1-      Astur noloshaada gaarka ah oo sir ha kuu ahaato:   Qof kastaa uma baahna inuu ogaado waxa aad samaynayso, waxa aad haysato iyo halka aad u socoto. Noloshaada gaarka ah ilaasho, adigoo aamusan horumarkaaga samayso. 2-    Aad Gym-ka si aad u jimicsato: Gym-ka aad, jidhkaaga dhis, maskaxdaadana xooji. 3-    Si qurux badan oo habboon u labbiso: Waa inaad xidhato dhar nadiif ah, hagaagsan, qurux badan, kuna habboon goobta aad joogto. Labbiskaagu ma aha oo keliya qurux; wuxuu sidoo kale muujin karaa nadaafaddaada, habdhaqankaaga iyo xirfadnimadaada. 4-    Hadalka yaree: waa inaad hadalkaaga xakamayso, aanad wax kasta ka hadlin, oo aad barato inaad dhegaysato dadka kale. 5-     Noloshaada si dhab ah u noolow: waa inaad noloshaada ku raaxaysato, fursadaha ka faa'iidaysato, yoolalkaaga raacdo, oo aanad waqtigaaga ku lumin cabsi iyo welwel joogto ah. 6-    Isla weynaan ha yeelan: Waa inaad a...

Sida Maskaxdaada Dib Loogu Habeeyo

Image
  1-      Jooji fekradaha taban: Garo oo beddel fekradaha waxyeellada leh. Mar kasta oo aad fekerkaaga beddesho waxa sii daciifaya caadooyinkii hore ee fekerka. 2-      Ku bilow caadooyin fudud: Ku bilow tallaabooyin yaryar si aad uga fogaato culayska iyo isku dhex yaaca. Joogtayntu waxay dhistaa isbeddel waara. Tusaale ahaan akhriska halkii aad maalintii buug dhan akhrin lahayd, ku bilow 5–10 bog maalin kasta. Jimicsiga oo kale, halkii aad saacado badan jimicsan lahayd, ku bilow 15 daqiiqo maalintii. Dhaqaalaha oo kale halkii aad isku dayi lahayd inaad lacag badan kaydsato, ku bilow inaad maalin kasta wax yar dhinac dhigato. Barashada xirfad halkii aad isku dayi lahayd inaad wax walba hal toddobaad ku barato, maalin kasta 20 daqiiqo ku bixi barashada xirfaddaas. 3-    Feejignaanta maskaxda: Waxay kordhisaa xakamaynta shucuurta iyo awoodda diiradda. Feejignaanta maskaxdu waxay xoojisaa qaybo muhiim ah oo maskaxda ka mid ah. 4-...

5 qodob oo horumarka dhaqaale ee qofka u muhiim ah:

Image
1- Hal dakhli oo kaliya ha isku koobin, oo hal meel kaliya yayna waxba ha ka sugine dhawr meelood lacagi bishii ha kaaga timaaddo. 2- Ha iibsan wax aanad u baahnayn oo daruuri ahayn. 3- Marka aad wax maalgashanaysid hal meel hantidaada oo dhan ha wada gelin, meelo kala duwan ku maalgeli, si haddii hal meel khasaarto meelaha kale u badbaadaan, balse haddii aad hal meel kaliya hantidaadaba wada gelisid, meeshiina khasaare ku dhaco waad caydhoobi. 4- Khataraha aad u badheedhayso ka fiirso, oo wax aad isleedahay waad ku khasaari hantidaada ha gelin. 5- Ha kaydsan wixii soo hadha uune wax gaara bilkasta kaydso.