Haddii aad ku jirto da’dii Labaataneeyada…
Da’da labaataneedu waa da’aadda qofku waxbadan seego, ee
arrimo badan hareer maro. Waa xilliga uu qofku ugu tamar iyo awood badanyahay.
Waa muhiim in uu qofku habraac iyo hagid helo.
Haddaba haddii aanad gaadhin labaatan jir ama aad ku jirtaba
talooyinkani waa kuu muhiim:
1-
Yeelo jadwal hurdo oo joogto ah oo 24kii saac
ugu yaraan 8 saacadood, hurdada wanaagsan ee jidhku helaa waxa ay leedahay
waxoosaar wanaagsan.
2-
Caado ka dhigo in aad maalintii ugu yaraan 20
daqiiqo wax akhridid.
3-
Talo ha bixin adiga oo noloshaadu kala
daadsantahay, shiid ah, aan waxba kuu saxnayn, horta noloshaada maaree.
4-
Jooji in aad si bilaa macni ah u isticmaasho
baraha bulshada, u isticmal qaab ujeeddaysan oo wax ka faa’id ama wax ku qor.
5-
Si kasta oo noloshaadu tahay ha dayn jimicsiga,
oo maalinkasta jimicso, waayo Waa mid ka mid ah hababka ugu wanaagsan ee lagu
daryeelo caafimaadka maskaxda iyo jidhka.
6-
Guushu waa wax la is qaadsiiyo. Ku hareeree
naftaada dadka riyooyinka waaweyn leh. Naftaada ku hareeree dadka fekradaha
waawayn xanbaarsan, kuwaas oo maskaxdooda ku arka fursadaha iyo
suurtagalnimada.
7-
Qaad masuuliyadda noloshaada 100%, oo cidna ha
ku hallayn- noloshaada ha ku canaanan waalidkaa, duruufaha iyo wax kale toona.
8-
Waxa aad yeelataa qof khabiira oo talooyin ku
siiya( mentor) oo baro xirfad awood u leh inay kordhiso dakhligaaga billaha ah.
Taasi waxay si weyn u kordhin kartaa fursaddaada guusha.
9-
Dabeecadda saaxiib dhaw ka dhigo. Maalin kasta
ugu yaraan 30 daqiiqo soco. Ku socodka qorraxdu wuxuu kaa caawin karaa inaad
maskaxda dejiso, niyaddaada wanaajiso, isla markaana kordhiso hal-abuurkaaga.
10-
Cuntadaada 70% ka dhig Barotiinno, borotiinku
wuxuu kaa caawinayaa jidhka iyo maskaxda inay is’dayactiraan, dhismaan, oo xoog
yeeshaan.
11- Fahan in xirfaddu ay 10 jeer ka qiimo badan
tahay dhibcaha/heerarka aad waxbarashada ka hesho. Baro xirfad dakhli sare leh
si ay kaaga caawiso inaad xalliso dhibaatooyinkaaga dhaqaale.
12-
Ka fogow dadka mar walba baahidooda iyo danahooda ka
hormariya kuwaaga- adiga oo aan eegin doorka ay noloshaada kaga jiraan. Dadka
noocaas ahi waxa ay noqon karaan caqabadda ugu weyn ee kaa hor istaagta guusha.
13-
Haddii
aad dhab ka tahay horumarkaaga, u tixgeli waxyaabaha ku soo baxa barahaaga
bulshada sidii in mustaqbalkaagu ku xidhan yahay.
Cabdirisaaq
Rashiid Aw Maxamed ( Sandheere)
13
Sept. 2026
Comments
Post a Comment