Faallada Buugga “𝐓𝐇𝐄 𝟐𝟐 𝐈𝐌𝐌𝐔𝐓𝐀𝐁𝐋𝐄 𝐋𝐀𝐖𝐒 𝐎𝐅 𝐌𝐀𝐑𝐊𝐄𝐓𝐈𝐍𝐆”
Buuggan
waxa la yidhaahdaa “𝐓𝐇𝐄 𝟐𝟐 𝐈𝐌𝐌𝐔𝐓𝐀𝐁𝐋𝐄 𝐋𝐀𝐖𝐒 𝐎𝐅 𝐌𝐀𝐑𝐊𝐄𝐓𝐈𝐍𝐆” Af Soomaali ahaan waxa
aynu ku macnayn karnaa “ 22 Xeer ee aan Isbeddelin ee Suuqgaynta.” Waxaa wada
qoray Al Ries
iyo John Francis (Jack Trout). Labaduba waa qorayaal xirfad leh, ganacsadayaal, talataliyayaal,
suuqgeeyayaal IWM.
Qoraa Al Ries waa qoraa iyo suuqgeeyo wayn oo u dhashay dalka Maraykanka.
Wuxuu ka qalinjebiyay Jaamacadda DePauw University. Markii
koowaad wuxuu shirkad xayaysiis ka aasaasay magaalada New York sannadkii
1961kii.
Qoraa Jack Trout, wuxuu ahaa aqoonyahan wayn oo ku
takhasusay xayaysiiska, wuxuuna aasaaskeeda qayb ka ahaa shirkad xayaysiis ah. Wuxuu aasaasay shirkad suuqgayn ah oo ah ‘Trout
and Partners.’ Shirkado badan ayaa macaamiishiisa ka mid ahaa sida shirkadaha AT&T, Apple, Citicorp, General Electric, Hewlett-Packard, IBM, Pfizer, Procter &
Gamble, Southwest Airlines iyo Xerox.
Sannadkii 1967kii waxa
shirkaddii xayaysiiska ee uu hore u aasaasay Al Ries ku soo
biiray saaxiibkii qoraa Jack Trout, oo ay saaxiibbo dhaw oo qalin wadaaga
ahaayeen. Waxa ay shirkaddaas ka wada shaqaynayeen muddo 26 sano. Sannadkii
1972kii ayay Al Ries iyo Jack Trout
Wakaalad xayaysiis oo la odhan jiray ‘Advertising Age ’ ku daabaceen saddex maqaal. Saddexdaas
maqaal intaas ka dib waxa ay ku dhiirrigeliyeen inay buug qoraan, ka dibna waxa
ay qoreen oo labada qoraaba wada qoreen buug badan.
Buuggan oo keli ah madi kuma aha oo may wada qorin labadan qoraa. Balse,
waxa jira buugaag ay wada qoreen. Buugta ay wada qoreen waxa ka mid ah:
1-
Marketing
Warfare: Waxa ay wada qoreen sannadkii 1986kii.
2-
Bottom-up
Marketing: Waxa
ay wada qoreen sannadkii 1990kii
3-
Find A Horse
to Ride: The Key to Marketing Yourself: Waxa ay wada qoreen sannadkii
1991kii.
4-
The 22
Immutable Laws of Marketing: Waxa ay wada qoreen
sannadkii 1994kii.
Muxuu buuggan ka hadlayaa?
Buuggu wuxuu ka warramayaa 22 xeer oo ku saabsan suuqgaynta. Cashirrada
uu buuggu inna barayo ayaynu si kooban uga warrami doonaa. Halkan hoose ayaynu
ku soo koobi. Waa kuwan xeerarka oo taxani:
1-
Xeerka Hoggaaminta: Marka aad rabtid in aad wax
suuqgaysid adiga/shirkaddaadu noqda cidda ugu horraysa ee bulshada shaygaas u
bandhigta.
2-
Xeerka Nooca Alaabta/Adeega ( Category): Haddii aanad adigu noqon karin qofka u
horreeya ee alaab keena, isku day oo samee adigu alaab/adeeg cusub oo aad ugu
horrayn keentid.
3-
Xeerka Maskaxda: Waxa muhiim ah in aad noqotid
qofka u horreeyay qofka u horreeya ee alaab/adeeg maskax ahaan keena halkii aad
ka noqon lahayd qofka u horreeya ee suuqa keena. Waayo, shay aad maskaxdaada ka
keentay cidi sidii aad adigu rabtay kaagama daba koobiyayn karto, haddii ay
kaaga daydaana adigu waxa aad isku dayi uun in aad baddeshid.
4-
Xeerka ka dhaadhicinta: Suuqgayntu ma aha waxa la
hayo, balse waa sida waxa la hayo dadka looga dhaadhiciyo.
5-
Xeerka Diirad saaridda: Fekerka ugu awoodda badan
ee lagu hanto suuqgaynta waxa ka mid ah xulashada erayada macmiilka wax lagaga
dhaadhacsiiyo.
6-
Xeerka Gaar yeelidda ( Exclusivity): Laba
shirkadood isku mid kama noqon karaan filashada laga filan karo maskaxda
macmiilka.
7-
Xeerka Sallaanka: Istiraatijiyadda aad
isticmaalaysaa waxa ay ku xidhantahay sallaanka ama dariiqa aad maraysid.
8-
Xeerka laba geesoodka (Duality): Suuqu
wuxuu leeyahay socod laba geesood ah, oo shaqooyinka ka socdaa waa laba
geesood.
9-
Xeerka ka soo horjeedka (Opposite ): Haddii
aad abbaaraysid meel, Istaraatijiyaddaada waxa go’aaminaya hoggaamiyahaaga.
10- Xeerka
kala qaybinta/sarrifidda adeega (Division): Hal
shay oo aad iibisid/qabatid ayaad noocyo
badan ka dhigi kartaa ama qaabab kale u dhigi kartaa.
11- Xeerka
dhinacyo kala duwan wax ka eegidda (Perspective ): Suuqgaynta waqtiga ayaa saamaynaya oo
markasta wuu isbeddelayaa markasta, markaa wuxuu u baahanyahay in dhinacyo kala
duwan laga eego.
12- Xeerka
huritaanka: Waa in aad wax bixisaa si aad adna wax kale u heshid.
13- Xeerka
sifaynta: Sifo kasta waxa jira wax ka soo horjeeda, sidoo kale waxa jira
sifooyin waxtar leh.
14- Xeerka
furfurnaanta: Marka aad aqbashid shay taban, waxa aad helaysaa wax togan.
15- Xeerka
keliyaynta: Xaaladkasta hal tallaabo kaliya ayaa kuu keeni karta natiijo wayn.
16- Xeerka
saadaalin la’aanta: Illaa aad qortid dadka kula tartamaya qorshayaashooda ma
saadaalin kartid mustaqbalkaaga, macne ahaan haddii aanad wax ka ogayn qorshaha
cidda kula tarmaysa mustaqbalkaaga ma saadaalin kartid.
17- Xeerka guusha:
Guushu inta badan waxa ay kugu hoggaamisaa islawayni, islawaynidu waxa ay
sababtaa guuldarro.
18- Xeerka
guuldarrada: Guuldarradu waa inay noqotaa mid la filan karo, lana aqbali karo.
19- Xeerka
buunbuuninta: Xaaladdu inta badan waa sida ay u muuqdaan ka soo horjeedkeeda.
20-
Xeerka karaaridda (Acceleration ):
Mashruucyada guulaystay inta badan laguma dhiso waqti yar, balse waqti
ayay qaataan.
21- Xeerka
khayraadka (Resources ):
Haddii fekradda aynu hayno aynaan u helin dhaqaale ku filan koru ma qaadi
karno.
Gebagebo
Buuggu waa mid muhiim ah, waxa uu ka hadlayaa mawduuc mug leh
oo qofkasta oo ganacsiga xiiseeya anfaca.
W/Q:
Cabdirisaaq Sandheere
15
Sibtanbar, 2022.

Comments
Post a Comment