Talo ku socota qofkasta oo SHAQAALE AH

 

 

1- Guri hore u dhiso. Meel uun guri ka dhiso, Miyi ama Magaalo. In aad guri dhisatid marka aad jirtid da’da Kontomeeyadu maaha horumar. Ha ku noolaan guryaha dawladda. Waayo, waa raaxo khatar leh.

2- Muhiimadda koowaad sii qoyskaaga, shaqadana noloshaada ha ku dhex milin. Waayo, shaqada aad ka shaqaysid adigu tiir uma tihid, haddii aad dhimatid ama ka tagtid ba si degdega ayaa loo soo buuxinayaa booskaagii, shaqadiina way sii soconaysaa.

3-Iska ilaali in aad cid ku xamatid xafiiska ama goobta shaqada. Iska ilaali waxyaabaha kharribaya magacaaga ama sharaftaada. Ha ku biirin kooxaha dabadhilifka u ah maamulka shaqada iyo asxaabta aad wadashaqaysaan. Ka fogoow isku imaansho kasta oo taban  oo dadku ajandayaashooda dhexmarsanayaan.

4- Hala tartamin maamulahaaga shaqada, waayo faraha ayaad ka guban doontaa. Ha la tartamin oo ha isbarbardhigin asxaabta aad wada shaqaysaan, waayo maskaxdaada ayay saamayn.

5- Samayso ganacsi aad waqti ka shaqaysid. Waayo, mushaharkaagu ma wada dabooli karo baahiyahaaga.

6-Lacag kaydso.

7- Lacag amaaho si aad ganacsi ugu maalgelisid, ama si aad xaaladdaada u baddeshid, se ha ku iibsan wax aad ku raaxaysatid. Waxyaabaha raaxada ah faa’idaada iyo macaashkaaga ka iibso.

8- Noloshaada, guurkaaga iyo qoyskaaguba sir ha kuu ahaadaan. Noloshaada gaarka ah iyo hawlaha shakhsiga kuu khuseeyana ka fogee shaqadaada. Taasi waa muhiim.

9- Naftaada daacad u noqo, shaqadaadana aamin.

10- Samafalka ka shaqee, markastana xubin firfircoon noqo. Taasi waxbadan bay kaa caawinaysaa xaaladkasta oo timaadda.

11-Mashruuc bilow adiga oo shaqaale ah ama cid kale u shaqaynaya. Mashruucaasi isagu ha iswado oo ha ku shaqeeyo, haddii mid kuu shaqayn waayo mid kale bilow.

 

Juun, 2023

- Dr M. A. Chaudhary

Turjumaad: Cabdirisaaq Sandheere

 

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

Gorfaynta buugga ‘ 100 Mashruuc iyo Mashruuc’

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?