Posts

Showing posts from May, 2025

Dhagxintii Soraya!

Image
Sannadkii 1986kii waxa dhagax lagu lagu dilay haweenaydan oo la odhan jiray Soraya. Sababta loo dilay waxa ay ahad ninkeedii ayaa doonay inuu Minyaraysto, way diidday, ka dibna uxuu ku masabbiday inay gogoldhaaf samaysay! Soraya caan bay ka noqotay tuuladii lagu dhagxiyay oo dalka Iiraan ka mid ahayd iyo guud ahaan dalka Iiraan ba! Ninkeedii oo Iiraani ahaa marki uu doonay inuu minyaraysto oo gabadh kale guursado Soraya kamay yeelin! Way diiday! Haddii uu furo oo warqadda siiyo waxa laga rabaa MEHERKII Soraya oo aanu awoodin. Laba daran mid dooro ayaa la gudboonaatay ninkii Soraya qabay. Ninkii haddii uu furo meher badan baa laga rabaa, haddii uu qabana Soraya way diiday in uu la guursado! Ka dib ninkii shax kale ayuu degay, wuxuu bilaabay sidii uu nolosha u dhaafin lahaa Soraya, marka uu dilana u guursan lahaa gabadh uu rabo. Wuxuu ku soo eedeeyay in Soraya khiyaano samaysay oo gogoldhaaf samaysay! Xadka qofka guur soo maray waa in dhagax lagu dilo! Sidii baa la yeelay. Gabadhii waa l...

Xasuus Habeeneed

Image
 Mufakarkii waynaa ee Cali Shariicati wuxuu yidhi: " Saaxiibkay ayaan ku idhi ' Muxuu Diigiinu la qaylyi waayay?' Wuxuu yidhi ' Jaarka ayaa ka soo cawday oo uu hurdada ka toosin jiray aroortii, ka dibna waan gawracnay.' ..."  Ustaad Cali Shariicati qisadan gaaban ee macnaha leh wuxuu ku ladhay murti, wuxuuna yidhi: ' Halkan waxa aan ka fahmay sida aan ku aragno sooyaalka taariikheed ee soo taxnaa in dadku ciddii hurdada wacan ee ay ku jiraan ka toosisa madaxa ka jaraan. Maantana waxa jira dad madaxa ka jaraya cidda ku qaylida ee isku dayda in ay ka toosiso hurdada wayn ee ay ku jiraan. Dadkeenna hadda noolna aad bay u hadalhayaan magaca Digaaga, aad na way u iibsadaan. Qofna ma xuso oo ma sheego magaca Diiga. Dadku waxa ay aad u jecelyihiin waxa ay cunaan ee caloosha ku buuxiyaan, kamana fekeraan waxyaabaha kor u qaadaya caqliyadooda iyo afkaartooda. Waxa aan leeyahay: ' Haddii aad rabtid in aad noolaatid waqti dheer ha noqon Diig, balse noqo Diga...

Marka Cabbirku xumaado Waxaa Dayacanta Xuquuqda! (2)

Image
Maalik Ben Anas, wuxuu ka warramay jiritaan muuqda oo qariib ku ah adduunyada: Waanna bini’aadan aqbalaya horumarka, iyo Bini’aadan aqbalaya dibudhaca. Wuxuu noqon karaa bini’aadan aan Islaam ahayn. Balse, horumar u diyaarsan. Wuxuu noqon laraa Bini’aadan Islaam ah; balse, horumar u diyaarsan. Sidaa daraadeed, ninkaasi wuxuu baadigoobayaa sababo, fekerro, qofaf, dhacdooyin, shey’yo, mana baadhayo dadka waxa u qarsoon iyo caqiidadooda. Sidaa daraadeed ayay Jabbaan u horumarday iyada Buudhism ah. Ameerika u horumartay iyada Calmaaniyad ah. Faransiiska iyo Jaramlku u horuamreen iyaga oo Kiristaan ah. Balse, Muslimiintii ayna ka kicin dibudhacii iyaga oo ku dayanaya Risaaladii Nebi Muxammed SCW. Maalik Ben Nebi, aad buu u dhexmuquurtay, si xeeldheerna wuu u baadhay. Su’aalo muhiim ahna wuu iska wayddiiyay arrintan. Balse, wuxuu khilaafay caadada, jawaab ku habboona ma helin. Muslimiintu sababta ay u dibdhaceen waxa weeyi Diintii oo ay ka tageen. Wuxuu u arkaa in jawaabtaasi aynna aqoon k...

Arrimo ay wacantahay in aad samaysid ama fashid inta aanad gaadhin da'da 30 sano jirka

Image
  1- In aad dhammaystid shahaadada Mastarta. 2- In aad bilowdid Ph.D. 3- In aad Daabacdid 5 Paper ugu yaraan. 4- In aad Luuqadda Ingiriisiga si wacan u baratid oo gaadhid heer wacan, oo weliba qaadatid shahaadada ILTS ka ama TOFL ka. 5- In aad baratid luuqad Qalaad, oo weliba si wacan u baratid. 6- In aad qortid buug khuseeya majaalka aad baratay ama ku takhasustay. 7- In aad heshid/ ka shaqaysid shaqo kugu habboon. 8- In uu guursado qofkii doonaa, ama kii awoodaaba. 9- In aad booqatid meelaha dalxiiska ku wanaagsan dalkaaga. 10- In aad akhridid 50 buug ee ugu wanaagsan takhasuskaaga, iyo in aad baratid karinta cunto macaan. 11- In aad horumarisid hi hiwaayad aad jeceshahay ama hibo aad leedahay ba. W/Q: Shuuf Aktar. Turjumid: Cabdirisaaq Sandheere

Bidco Diineed & Bidco Adduunyo!

Image
Eraygu waa Af Carbeed, oo Soomaali ma aha asal ahaan. Wuxuu luuqada Carbeed ku yahay ‘ Ikhtiraac~ bilow wax cusub.’ Sharci ahaan sida Kitaabka ( Al-Anwaaru Raxmaan, oo uu qorey Sh. CabdiraxmaanBin Yuusuf Al-Ifriiqi) ku sheegay waa “ Diinta oo wax aan ku jirin lagu soo daro, intay dhammaystirantay kaddib.” Qeexiddaa Wadaadka culimo badan ayaa la qaba oo sidan oo kale kutubtooda ugu qeexa. Anna waan la qabaa oo anna waan ku raacay, waxaanse ku sii darsadey, ‘ In waxaasi lagu soo daray yahay wax nascad xaaraantimeeyay ama xalaaleeyay, lana leeyahay sidaa maahee waa sidan.” Haddeynu inyar ku noqonno Bidcada luuqad ahaanteeda, laba ayaynu u kala falliidhi: Ikhtiraac Adduunyo iyo Ikhtiraac Diineed. Ikhtiraaca Adduunyo waa arrin bannaan, haddayna dhibaato lahayn ama Diinta ka hor imanayn. In wax cusub la kordhiyo Islaamku arrimaha adduunka wuu dhiirrigeliyay oo wuu innagu boorriyay. Ikhtaraacaasi waa arrin baahi weyn adduun ahaan loo qabo oo loo oommanyahay. Rasuulku SCW Xadiis uu Raafic Bin ...

Fahanka Jaceylka Waqtigan

Image
Jaceylku waqtigan waa dhif iyo naadir. Waxaa jira dad iskugu baaqa jaceyl; oo fallaadha jeceylka dhigey calaamad ka mid ah noloshooda. Kuna suntey meelahooga. Waxayna isweyddaarsadaan weedho ROMANTIC AH, kuna tusinaya noloshooda in uu jiro jaceyl. Jaceylka dhabta ahi waa qalbiga; jaceylka dhalanteedka ahina waa jidhka. Sabobtaas ayuuna ka hore waligii u joogaa; ka danbana jidhka la dhammaadaa. Maxaa ka weyn jaceylkii Suubbanuhu (NNKH) u qabey Khadiija markii uu yidhi: “ Waxa la igu arsaaqay jaceylkeeda.” Jaceylka dhabta ahi waa oofin; ka dhalanteedka ahina sawirasho. Bilistii Khadiija waxa ay Suubbanaha u timid iyada oo weyn, wuxuuna u qaadey jaceyl iyo qaddarin. Caa’isha ayaa Suubbanaha ku tidhi: “Maxaad ugu kacdaa islaantaa weyn (cajuusada)?” Wuxuu ku odhan jirey: “ Maalmo ayaan soo wada marney Khadiija..” Jaceylka dhabta ahi waa xasuuso aan la illaawin; jaceylka dhalanteedka ahina waa mid waqtiga la socda. Suubbanuhu ma illaawi jirin Khadiija; meelkasta wuu xasuusnaan jirey, maalmih...

Ilaalinta Xuquuqda Dhuldifaacdo Nonhle Mbuthuma!

Image
  NonhleMbuthuma, waxaa soo waajahday khatar iyada oo isku dayaysa in ay ka joojiso shirkad Macdaneed oo rabta in ay Macdanta ka gurato dhulkeeda. Haddaba sabab, maxaa ay dawladdu u ilaalinla'dahay Nonhle?! Nonhle, awawyadeed ayaa lahaa dhulkan oo ay kadhaxashay. [Hadal dhaxalgala ayay tidhi Nonhle oo ah]: “ Haddii aad qaadato dhulkayga waxa aad qaadatay sawracaygii.” Nonhle, iyo bulshowaynta ku dhaqan Bariga magaalada Capetown ee KoonfurAfrika, waxa ay u babbacdhigayaan khatar ay xataa u waayi karaan sheykasta [ Nafta], waayo, Shirkad Macdaneed ayaa rabta inay ka qaadato/la wareegto dhulkeedii. “ Dhulkan Awawgay Hooyo ayaa lahaa, oo ka dhaxlay Waalidiintiisii. Maxaan carruurtayda uga tagayaa? Macdanqodiddu maaha doorasho/ikhtiyaar.” Nonhle, ayaa hadalkaa [ku geeraartay!] Nonhle, iyo xubno kale oo ka mid ah bulshadeedu ayaa gadhwadeen ka ah olole iskacaabbineed. Waxa ay aasaaseen ‘Amadiba Crisis Committee ’–si ay u mideeyaan dadka ku kala nool shan Tuulo, iyo in ay cadaadis diidnim...

5 Qodob haddii aad samaysid muddo 3bilood waxaad noqon qof kale Insha Allah

Image
Shantan qodob waa kuu muhiim, haddii aad ku dhaqantid waxa aad noqon qof cusub oo kii hore ka duwan Insha Allah. Waa kuwan qodobbadu:  1- Waa in aad wax u barataa si maalinle ah: In aad si maalintii 30 daqiiqo wax akhridid way kugu filantahay. Buug akhri, Podcast dhegayso, ama si kale naftaada u horumari. Muddo yar ka dib waxa aad is arki iyada oo isbeddel wayn ku yimid habfekerkaaga iyo aqoontaada guud ba.  2- Maalintaada nidaami: Aroorkasta qoro saddex arrimoood oo kuu muhiima, ka dibna saddexdaas fuli. 3- Iska shaandhee cidda kugu hareeraysan ama la xidhiidhaysid: Ka fogow qofkasta oo saamayn taban kugu yeelanaya, ka agdhawaw dad ku dhiirrigeliya oo degganaan kugu kordhin karta. 4- Naftaada daryeel: Hurdo fiican seexo, jimicso, qaadana waqti nasasho. Caadooyin yaryar waxa ay kaa dhigi doonaan kuwo qofkaad hore u ahayd ka duwan jidh ahaan iyo maskax ahaan ba.  5- Waxyaabo cusub tijaabi: Bilkasta tijaabi wax cusub, tusaale ahaan luuqad cusub baro, xirfad cusub baro, am...

Haddaad rabtid in aad noqotid aqoonyahan...

Image
Maaha kaliya in aad noqotid shaqaale ama kaliya in aad xafiiska Jaamacadda iyo Maktabaddeeda iska joogtid. Waa in caqligaagu xanbaaro wayddiimo waawayn, sidaa si la mid ah waa in qalbigaagu qaadi karo masuuliyadda jawaabta. Waa in aad xaqiiqsatid in aanad kaliya ahayn in aad aqoon yeelatid, balse waa in aad yeelatid wacyi, iyo qof abuuraya hiddidiilo iyo rejo. Aqoonyahanoow, masuul baad ka tahay hadalka iyo kalmadda aad ka odhanaysid madalaha iyo meelaha aad muxaadarooyinka ( Lectures ka) ka jeedinaysid; sida aad masuulka uga tahay aamusnidaada marka aamusnidu tahay khiyaano iyo mid lagaga gabbanayo sheegidda xaqa.  Adigu ka liya    ma tihid cilmibaadhe, balse waxa ku saaran in aad noqotid aqoonyahan damiir leh, qof wax naqdiya, iyo in aad noqotid qof bulshada ku xidha oo gaadhsiiya jaamacadda, iyo in aad  la timaaddid  aragti shaqaynaysa.  Kuguma filna kaliya in aad cilmibaadhis qortid, oo aad faafisid. Su'aasha runta ahi waxa ay tahay: Weli ma keentay fek...

Maxaynu ka baran karnaa QISADII NEBI YUUSUF?

Image
  Waxa aan in badan iswayddiinayay sirtii ka danbaysay in Nebi Yuusuf wanaag sameeyo oo dadka u wanaajiyo iyada oo haddana isagu yaraantiisii dhibaato soo arkay oo nolosha dhinaceeda xun uun usoo dhadhamiyay? Sidee qof wanaagsan u noqday isaga oo duruuf adag soo maray?  Jawaabta waxa aan ka helay dhammaadka Qisada Nebi Yuusuf, Quraanku isaga oo ka warramaya Nebi Yuusuf wuxuu yidhi: “ Alle wayne ayaa i wanaajiyay…” Nebi Yuusuf dhibaatadaas uu la kulmay iyo caqabadahaas ba wuxuu u arkaa wanaag iyo Ixsaan xagga Alle ka yimid iyo in Alle u naxariistay.  Nebi Yuusuf ma odhan maxaa la ii xidhay iyada oo la i dulmiyay, balse taas baddelkeeda wuxuu yidhi sida Alle xusay “ Alle wuu i wanaajiyay markii uu jeelka iga soo saaray...”  Nebi Yuusuf isma wayddiin oo ma odhan maxay ‘ Maxay walaalahay waxaa iigu sameeyeen?’ Balse, wuxuu yidhi sida Alle ka warramay ‘.. Markii aniga iyo walaalahay shaydaan isku kaaya dhuftay…’ Xataa markii gabadhii boqorku damacday ee fidnadu ka dhex dh...

Markaad wax akhirid maxaa dhacaya?

Image
 Markii aad akhridid 10 buug: Waxa aad isdareensiin in aad ahay qof adduunyada fahmay oo waxa aad isku qaadan in aad tahay qof awooda inuu waajihi karo Faylasuufyada iyo khubarada waawayn. Bunka ayaad caashaqi oo ku labaceshayn, waxaanad dooran in aad fadhiisatid maqaaxiyaha oo kursi gaar ah ayaad isku kala bixin.  Marka aad 50 buug akhridid:   Waxa aad qaadan qalin oo waxa aad bilaabi in aad buug akhridid, buuga aad akhriyaysidna ka reebatid nuxur, xataa mararka qaar waxaabad ku qoran jeldiga buuga ( iyo meelaha bannaan).  Marka aad 100 buug akhridid:  Waxa aad kala saari doontaa buugta xulka ah ee wanaagsan iyo buugta liidata ee aan waxbadan kugu kordhinayn.  Marka aad 250 buug akhridid:  Dadka ayaad inta badan ka fogaan, oo waxa aad noqon kelidii socde; mana xiisayn doontid heesaha qarxay, iyo barnaamijyada faafay ee bulshadu ku yaacday, oo waxa aad iskaga noolaan caalamkaaga kuu gaarka ah.  Waxaanad raadin sida qofka waalan uu u raadiyo q...

Faallada buuga ‘ Ragga oo kaliya’

Image
  Hordhac Buugan cinwaankiisu yahay ‘ Ragga oo kaliya’ waxa cinwaan hoosaad u ah ‘ Xeerarka la dhaqanka dumarka.’ Waxa qoray Dr. Ad’ham Sharqaawi. Waxa luuqadda Af soomaaliga ku turjumay Cabdixakiin Obsiiye, oo ah qoraa iyo turjumaa turjumay buugaag badan oo uu ka midyahay buuga ‘ Salaad baa I dhaaftay.’ Buugu waxa uu ka warramayaa habdhaqannada lagula dhaqmayo dumarka, habfekerka dumarka iyo guud ahaan nolosha dumarka. Wuxuu qaab wanaagsan ka bixinayaa xeerarka ay tahay in raggu kula dhaqmaan dumarka. Nuxurka buuga Marka hore waxa uu qoraagu ka warramayaa abuurka labada jinsi ee ragga iyo dumarka. Wuxuu qoraagu ku bilaabayaa in sida qudha ee lagu fahmi karo mawduuca kala duwanaanshaha labada jinsi waa in loo noqdo asalkii abuurta insaanka. Eebbe SWT, wuxuu doonay in la dego meerahan aynu ku noolnahay, waana sidii dhacday oo dhoobo ayaa uu u ka uumay hummaag dada oo u uku farayaraystay, ka dibna wuxuu ku afuufay ruux. Aadan oo bashar dhammaystirana ayaa istaagaya, ha ahaa...