Marka Cabbirku xumaado Waxaa Dayacanta Xuquuqda! (2)
Maalik Ben Anas, wuxuu ka warramay jiritaan muuqda oo qariib ku ah adduunyada: Waanna bini’aadan aqbalaya horumarka, iyo Bini’aadan aqbalaya dibudhaca. Wuxuu noqon karaa bini’aadan aan Islaam ahayn. Balse, horumar u diyaarsan. Wuxuu noqon laraa Bini’aadan Islaam ah; balse, horumar u diyaarsan. Sidaa daraadeed, ninkaasi wuxuu baadigoobayaa sababo, fekerro, qofaf, dhacdooyin, shey’yo, mana baadhayo dadka waxa u qarsoon iyo caqiidadooda. Sidaa daraadeed ayay Jabbaan u horumarday iyada Buudhism ah. Ameerika u horumartay iyada Calmaaniyad ah. Faransiiska iyo Jaramlku u horuamreen iyaga oo Kiristaan ah. Balse, Muslimiintii ayna ka kicin dibudhacii iyaga oo ku dayanaya Risaaladii Nebi Muxammed SCW.
Maalik Ben Nebi, aad buu u dhexmuquurtay, si xeeldheerna wuu u baadhay. Su’aalo muhiim ahna wuu iska wayddiiyay arrintan. Balse, wuxuu khilaafay caadada, jawaab ku habboona ma helin. Muslimiintu sababta ay u dibdhaceen waxa weeyi Diintii oo ay ka tageen. Wuxuu u arkaa in jawaabtaasi aynna aqoon ku dhisnayn. Balse ay tahayba qayb ka mid ah dhibudhaca. Sababtuna waxaa weeyi Gaaladu waxa ay horumareen Diin la’aan. Halkay wax ka jiraan markaa?
Khalkhalku kama jiro caqiidad dadka, balse, khalkhalku wuxuu ka jiraa fekerrada dadka. Iyo in la helo meesha dibudhacu ka yimid. Caalamka Dibudhacu wuxuu la noolyahay caalamkii shakhsiyadaha iyo shey’yada. Sidaa daraadeed ayaynu u aragnaa maanta inta badan magaalooyinka ugu quruxda badani ay yihiin kuwa Khaliijka qaar ka mid ah. Shey’yadana waa kuwa halkaa yaalla ayaa ugu qurux badan. Balse, wax saamayna kuma laha caalamka fekerrada, waaka faqiir.
Way fududdahay in aan u baahanno shey’yadii ilbaxnimada. Balse, waxaa adeg meelihii laga soo dhanbali lahaa caalamkii fekerka ee Ummadda u gaarka ahaa. Waxaa fudud in aynnu magaaladeenna qurxinno, si aan gaar ahayn. In ay inna agyaallaan saacado qurxooni, balse, aynaan waqtiga ka eegan oo aynaan muhiimad siinin. Iyo in ay agteenna yaallaan Hudheello deggan ama Jaamacado badan, balse, aynnaan waxba ka soo saarin.
Miyayna layaab ahayn in Suudaan leedahay in ka badan 4o Milyan oo lo’ ah; balse ay u dimanayaan gaajo iyo faqri. Noloshiinna ay degdeg ku dhaafayaan. Sababtu waxaa weeyi Waddanku wuxuu ka arradanyahay oo ka dibdhacay caalamkii Fekerrada. Halka Holland, aynna lahayn wax aan ka badnayn 3 Milyan oo Lo’a ah. balse, ay ka soo saaraan noocyada kala geddisan ee caanaha, caalamkana ay u dhoofiyaan hilib Farash ah. Sababtuna waxaa weeyi waxa ay ka horumareen Caalamka fekerrada. Wax kale ha raadinnine Holland waxa ay ka horumartay Caalamka Fekerrada, caalamkaasin waxa uu soo saarayaa caalamka Ashkhaasta. Shakhsiyaduna waa kuwa keena ee sameeya shey’yada dhacdooyinkana sameeya. Suudaan waxa ay tusaale u tahay dibudhaca Caalamkii fekerrada. Caalamkaa dibudhacuna wuxuu soo saarayaa ashkhaas u nugul dibudhaca; dadkiina ma wanaajinayaan shey’yadii iyo dhacdooyinkii.
Hollan, waxa ay tusaale togan u tahay ka faa’ideysiga kheyraadka; halka Suudaan tusaale taban u tahay ka faa’ideysiga kheyraadka. Kuwani waa tusaale uune way badanyihiin tusaalayaashu. Kuwa ku wareega ashkhaasta ka sheekayntooda ama ka faallo ka bixiyaa mustaqbal malaha. Kuwa se ku wareega fekerrada ayaa kaliya mustaqbal samaysta.
Waddankeenna halbeegii ayaa khalkhalay. Waxaynnu helaynaa in sheyga ugu muhiimsan muwaaddinka agtiisu uu yahay in uu helo shey’yo; isaga oo aan wanaajinayn dhaqankii ay u lahayd ilbaxnimadu. Waayo malaha hal’abuur fekereed. Sidaa daraadeed ayaynu u helaynaa loollanka u dhexeeya fekerka iyo natiijada. Waayo, qaarkood waxa ay doonayaan in ay la tacaalaan natiiijada iyada oo aan fekrad wadan (ka madhan). Kuwaasina waa kuwa qofka Muslinka ah ka yeelaya in uuna wanaajin ilbaxnimada Galbeedka. Ilbaxnimada Galbeedku maaha Dimuqraaddiyad keli ah, doorashooyin keliyana maaha, xataa xuquuq dumar uun maaha. Balse, waa garashada fekerro dhammaystiran. Waxaynna u baahantahay daraasayn fekereed oo xeeldheer, misana koobsata, oo aynna u soo babbacdhigi karin illaa mid caalamka fekerka ku xoog badan mooyee mid kale.
Waxa suurtagela in Bini’aadanku u baahdo waxyaabaha u sahlaya ilbaxnimada, ama inuu ka qaybgalo Koorsooyin uu ku baranayo Computer-ka, ama laga yaabaa inuu khabiir ku yahay cilmiga Caafimaadka, iyo Injineernimada. Balse, uuna aqoon caalamkii fekerrada. Culuuntaasina ma samayso caalamka fekerka e waxa ay la tacaalaan shey’yada Ilbaxnimada. Sidaa daraaddeed ayuu mufakirkii Maalik Ibn Nebi iskaga tagay caalamkii qalabka, uuna tagay caalamkii fekerrada. Waxaa si fudud suurgel ahayd in uu noqdo Injineer Makaanik ah, dabadeedna raad la’aan uu ku soo gebagaboobo. Balse, wuxuu u guurey caalamkii fekerrada si uu Injinneer uga noqdo caalamkan. Arrinta cusubi waxa ay tahay, mufakiriinta badankoogu waqtigiisii may fahmin, Muslimiinta badankooguna kumay baraarugin muhiimadda fekerrada ninkan.
Sii faafi (Share dheh).
W/Q: Sh. Cabdiraxmaan Bashiir
W/T: Cabdirasaaq Sandheere
Comments
Post a Comment