Faallada buuga ‘ Ragga oo kaliya’

 



Hordhac

Buugan cinwaankiisu yahay ‘ Ragga oo kaliya’ waxa cinwaan hoosaad u ah ‘ Xeerarka la dhaqanka dumarka.’ Waxa qoray Dr. Ad’ham Sharqaawi. Waxa luuqadda Af soomaaliga ku turjumay Cabdixakiin Obsiiye, oo ah qoraa iyo turjumaa turjumay buugaag badan oo uu ka midyahay buuga ‘ Salaad baa I dhaaftay.’

Buugu waxa uu ka warramayaa habdhaqannada lagula dhaqmayo dumarka, habfekerka dumarka iyo guud ahaan nolosha dumarka. Wuxuu qaab wanaagsan ka bixinayaa xeerarka ay tahay in raggu kula dhaqmaan dumarka.

Nuxurka buuga

Marka hore waxa uu qoraagu ka warramayaa abuurka labada jinsi ee ragga iyo dumarka. Wuxuu qoraagu ku bilaabayaa in sida qudha ee lagu fahmi karo mawduuca kala duwanaanshaha labada jinsi waa in loo noqdo asalkii abuurta insaanka. Eebbe SWT, wuxuu doonay in la dego meerahan aynu ku noolnahay, waana sidii dhacday oo dhoobo ayaa uu u ka uumay hummaag dada oo u uku farayaraystay, ka dibna wuxuu ku afuufay ruux. Aadan oo bashar dhammaystirana ayaa istaagaya, ha ahaatee muxuu qaban karaa keligii? Sidee buu u cammirayaa meerahan ballaadhan ee la dhex dejiyay? Qaabkee ayuu u dhali doonaa ubadka ka dhaxli lahaa xilkan ee sii anbaqaadi lahaa ujeeddadii loo abuuray? Xaawi waa lama huraan, sidaas awgeed ayuu Eebbe u faray abuurkeeda. Rabbiga ogaalka badan baa doonay inuu hooyo Xaawa u abuuro qaab ka duwan habkii uu u abuuray Aabbe Aadan CS. Amminkii uu seexday Aadan CS ayuu Alle ka qaaday feedh u dhaw qalbigiisa, waxaanu ka umay Xaawa. Eebbe wuxuu awooday in uu Xaawa ka uumo ciid sooc ah, balse wuxuu doorbiday in uu iyada iyo saygeeda ka dhexaysiiyo xidhiidh xooggan; waayo wada jirayaan intay nololi jirtaba. Eebbe, Xaawa wuxuu uga uumay feedha Aadan, si uu u dareemo marwalba in ay tahay qaybtiisii, si uu u ilaaliyo, siu u ugu baqo sida xubnaha jidhkiisa oo kale, iyo si ay Xaawi u dareento in ay ugu abtirsato Aadan siday laantu ugu abtirsato geedkeeda, kaas oo kolka laga gooyo ay dhadho, ka dibna dhimato. Waxa kale oo ka mid ah xikmadahan in ay Xaawi ugu boholyowdo Aadan sida uu faracu ugu xiiso asalkiisa.

Sidoo kale, qoraagu wuxuu xusayaa in arrimaha qaar ay afadaadu ka cabanayso waad maarayn kartaa, xaaladdan oo kalana waxa waajiba in aad soo gebagebayso, waa se marka aad xiisaynayso inuu sii jiro qoyskaagu. Inaad fasho shay dhibaya xaaskaaga adigoo u diidan hadalka, kama dhigna in aad guulaysatay, ama aad ku sandullaysay in ay la sii noolaato dhibka, laakiin tallaabadan ayaad ku kacday: waxa dhintay qayb muhiim ah oo ka mid ah xidhiidhkiinnii!

Qof baa iswayddiin kara: Maxaa xal ah maadaama uu hadalka gabadhu awood la’aan dareensiinayo ninka, haddii uu fursad siiin waayana a aya xanaaqaysi? Xalku waa in aan la isku fiiqfiiqin faraha. Gabadhu waa in ay ahaati mid maskax furan oo si hufan oo aan la shakhsi weerar ahayn u dhiiban karta kaga fiiqi lahayd ninkeeda. Ugu danbayn fadlan ka dheerow weedhahan:

-         Dhibkan oo dhan adigaa masuul ka ah.

-         Arrimahan oo dhami dartaa ayay u dhacayaan.

-         Haddii aad sidaas samayn lahayd, waxani ma dhaceen.

-         Waxaad tahay shakhsiyad liidata.

-         Waad madax adagtahay.

-         Isma lure ayaad tahay.

Waxa kale oo qoraagu ka warramayaa in uu jiro dhaqan ay aaminsanyihiin raggu, kaas oo ah in ninku aaminsanyahay in dumarka kale oo dhani ka fiicanyihiin xaaskiisa oo uu ku khasaaray xulashadiisa. Runtii waa dhaqan jira oo ay ka simanyihiin rag badan oo aaminsan in ay u dhexeeyaan ooryihiisa ugu xumaa adduunku. Hadalka oo kooban ninkii baa u tegay ayaydii oo ah wayeel uu aad u jecel yahay, isla jeerkaasna uu ku koobanyahay taladeeda. Waayo, waa waaya’arag muddo dheer soo noolayd, xaalado bandanna usoo joogtay. Ninkii ayaa uga warramayay Ayaydii dhibka uu la noolaa, qodobka ugu mudanna waa in ay xaaskiisu tahay gabadha ugu liidata dumarka adduunka. Ayaydii murtida badnayd waxay doontay halkii ay hadal iyo waano tiro beela uga jeedin lahayd wiilkeeda in ay barto cashar muhiim ah, waxa ay ku casuumtay qado. Cunto ayay gurigeeda ugu samaysay, waxa ay u soo dhigtay saxan beed ah. Saxanka waxa ku jiray beed midabyo kala duwan leh sida huruud, casaan, buluug iyo cagaar. Islaantii ayaa markii u qadadii wada cunay u sharraxday, waxayna tidhi: ‘ Wiilkaygiiyoow dumarka guryaha jooga oo dhani waa sida beedkan oo kale.  Dushaad ka fiirinaysaa, dabadeeto waxaad u malaynaysaa in ay kala duwanyihiin, laakiin kolkaad qolofta ka qaaddo way simanyihiin. Waxa aad aaminsantahay dumarka kale in ay ka fiicanyihiin xaaskaaga, waayo oogada sare ayaad ka fiirisay, dabadeed waxa ku dakhray qolofka sare. Macnaha guud waa keli kuguma aha.

Waxyaabaha uu qoragau xusayo waxa ka mid ah in dumarku necebyihiin ragga gacanta adag ama bakhayliinta ah, wuxuuna odhanayaa ‘ Gacan adaygu waa cadawga haweenka.’ Dad badan baa aaminsan in gacan adayga iyo deeqsinnimadu ku xidhanyihiin haynta qofka. Runtii waa fekrad qaldan, sababta oo ah hantiilayaal badan baa gacan adag, halkay sabool badani wax kaa siinayaan jabka rootiga ah ee soo gala. Waana suurtagal inay soo dareemeen xanuunka diidmada. Hodanku ma wada gacan furna, saboolkuna waa la mid uun.

Waxyaabaha uu qoraagu xusayo waxa ka mid ah in qofku iska yareeyo filashada uu ka qabo guurka. Waayo waxa aad dhibbane u tahay filashooyinkaaga, waana isku mid filashooyinka aad dadka kale ka sugayso iyo kuwa adiga lagaa sugayaaba. Sidoo kale, waxa muhiim ah in qofku noqdo waaqici. Waxba kuma jabna in loo halgamo nolosha fiican, hase ahaatee waxaan kaaga digayaa in aad gasho dabin adiga oo wax suubbi is leh. Xasuusnoow, nolol dhab ah oo runta la ismoodsiiyo ayaa kun jeer ka wanaagsan nolol ku dhisan ismoodsiis aan meel dheer jirin.

Waxyaabaha uu qoraagu ka warramayo waxa ka mid ah ‘ Maxay kaa doonaysaa xaaskaagu?’ wuxuu xusayaa dhawr qodob oo muhiim ah oo wayddiintaa jawaabteed ah. Xaaskaagu waxa ay kaa doonayso waxa ka mid ah waxyaabahan hoose:

-         Ha ka khashaafin xaaskaaga.

-         Dadka hortooda ha ku dhalliilin xaaskaaga.

-         Ha ka hilmaamin xaaskaaga maalmaheeda gaarka ah.

-         Xaaskaaga ha u diidin asxaabteeda.

-         Xaaskaaga ha u diidin xigtadeeda.

-         Xaaskaaga ha ku soo hadalqaadinta quruxda gabadh kale, ama ha u ammaanin gabdhaha kale.

-         Ixtirmaan caqliga xaaskaaga.

-         U tudh xaaskaaga.

-         Noqo isxilqaame.

Arrimaha kale ee qoraagu ka warramayo waxa ka mid ah ‘ Furayaasha qalbiga dumarka.’ Qodobbadan soo socdaa waa waxyaabaha fura qalbiga dumarka:

1-     Waan ku jeclahay.

2-    Siduu ahaa maalinkaagii?

3-    Waad maskax badantahay?

4-    Waan kaa fekerayay?

5-    Ma u baahantahay taageero?

6-    Adiga ayaa ka mudan hantida.

Waxa kale oo qoraagu xusayaa waxyaabaha sababa furniinka lammaanaha iyo furayaasha burburka qoyska.  Qodobbadan soo socda waa kuwo gef ku ah xaaska oo haddii ninku yidhaahdo ay dhici karto in ay isfuraan marwadiisa. Waa kuwan qodobbadu:

-         Waad sii buurnaanaysaa.

-         Sidaa doonto yeel.

-         Anigaa qaldan!

-         Ma haysto waqti.

-         Inani waa hooyadeed.

Ugu danbayn qoraagu wuxuu ka warramayaa in raggu dumarka u naxariitaan, waxyaabaha uu iska ilaalinaya waxa ka mid ah in ninku iska ilaaliyo inuu ka aamuso xaaskiisa, iyo inuu ogaado qaabka uu ula dhaqmayo xaaskiisa. Sidoo kale, waa in ninku isku dayo inuu farxad ku abuuro xaaskiisa, inuu ka caawiyo hawlaha guriga, inuu dhegaysto waxyaabaha ay ka codsanayso, iyo inuu xaaskiisa iyo guud ahaan dumarka si wanaagsan ula dhaqmo.

Gebagebo

Buugu wuxuu ka warramayaa xeerarka iyo hannaanka ay tahay in dumarka loola dhaqmo iyo si guud in loo fahmo dumarka. Inkasta oo labada jinsiba anfacayo, haddana wuxuu muhiim u yahay ragga.

 

W/Q: Cabdirisaaq Sandheere

1 May, 2025

 

 

 

Comments

Popular posts from this blog

Gorfeynta Buugga “ A Woman of Firsts ~ Marwadii koowaad” oo Dr Edna Aadan qortay

Markaad wax akhirid maxaa dhacaya?

Milicsigayga Sannadkan 2024 ( My Annual Review In 2024)