Dhagxintii Soraya!
Sannadkii
1986kii waxa dhagax lagu lagu dilay haweenaydan oo la odhan jiray Soraya.
Sababta loo dilay waxa ay ahad ninkeedii ayaa doonay inuu Minyaraysto, way
diidday, ka dibna uxuu ku masabbiday inay gogoldhaaf samaysay! Soraya caan bay
ka noqotay tuuladii lagu dhagxiyay oo dalka Iiraan ka mid ahayd iyo guud ahaan
dalka Iiraan ba!
Ninkeedii
oo Iiraani ahaa marki uu doonay inuu minyaraysto oo gabadh kale guursado Soraya
kamay yeelin! Way diiday! Haddii uu furo oo warqadda siiyo waxa laga rabaa
MEHERKII Soraya oo aanu awoodin. Laba daran mid dooro ayaa la gudboonaatay
ninkii Soraya qabay. Ninkii haddii uu furo meher badan baa laga rabaa, haddii
uu qabana Soraya way diiday in uu la guursado! Ka dib ninkii shax kale ayuu
degay, wuxuu bilaabay sidii uu nolosha u dhaafin lahaa Soraya, marka uu dilana
u guursan lahaa gabadh uu rabo. Wuxuu ku soo eedeeyay in Soraya khiyaano
samaysay oo gogoldhaaf samaysay! Xadka qofka guur soo maray waa in dhagax lagu
dilo! Sidii baa la yeelay. Gabadhii waa la masabbiday oo khiyaano ah in ay
gogoldhaaf samaysay ayaa lagu eedeeyay ka dibna dhagax baa lagu dilay!
Qisadan
waxa 10 sano ka hor buug ka qoray Qoraa Faransiisa, wuxuuna cinwaan uga dhigay
( La Femme Lapidée) oo ku qoran Af Faransiiska, waxaana lagu turjumay cinwaanka
ah ( The Stoning of Soraya~ Dhagxintii Soraya.' Waxaana sannadkii 2008dii laga
metelay Film saamayn wayn yeeshay! Filinkaas ciddii daawatay waxa ay ku
sheegeen inay ka buuxdo cadho, cunfi, dhibaato iyo in lagu tacaddiyay gabadh
yar oo aan waxba galabsan!
Sheekadan
oo dunida caan ka noqotay waxa aynu ka baran karnaa:
1-
Damaca ragga ee liita ee ku saabsan in ragga qaarkood markasta u hanqaltaagaan
inay guursadaan xataa haddii ay xaasas hore leeyihiin.
2- Ragga
hammigooda koowaad waa dumar, xataa naf bay u goyn karaan si ay u helaan
gabadha ay jeclaadeen.
3- In la
iska hubsado qofka lagu tuhmayo oo aan lagu gafin oo lagu qaadin danbi aanu
samayn.
4- In
marar badan qofka xumaan lagu tuhmayaa noqon karo qof wanaagsan oo ka dhawrsoon
waxaas.
Qisada
waxa aan ka dheegtay Page ( صفحات من التاريخ
1.) Inta
hoose ee tacbiirka ah aniga oo Cabdirisaaq Sandheere ah ayaa raaciyay.
Maxaad
ka fahantay Qisada?
Comments
Post a Comment