Dhagxintii Soraya!
Sannadkii 1986kii waxa dhagax lagu lagu dilay haweenaydan oo la odhan jiray Soraya. Sababta loo dilay waxa ay ahad ninkeedii ayaa doonay inuu Minyaraysto, way diidday, ka dibna uxuu ku masabbiday inay gogoldhaaf samaysay! Soraya caan bay ka noqotay tuuladii lagu dhagxiyay oo dalka Iiraan ka mid ahayd iyo guud ahaan dalka Iiraan ba!
Ninkeedii oo Iiraani ahaa marki uu doonay inuu minyaraysto oo gabadh kale guursado Soraya kamay yeelin! Way diiday! Haddii uu furo oo warqadda siiyo waxa laga rabaa MEHERKII Soraya oo aanu awoodin. Laba daran mid dooro ayaa la gudboonaatay ninkii Soraya qabay. Ninkii haddii uu furo meher badan baa laga rabaa, haddii uu qabana Soraya way diiday in uu la guursado! Ka dib ninkii shax kale ayuu degay, wuxuu bilaabay sidii uu nolosha u dhaafin lahaa Soraya, marka uu dilana u guursan lahaa gabadh uu rabo. Wuxuu ku soo eedeeyay in Soraya khiyaano samaysay oo gogoldhaaf samaysay! Xadka qofka guur soo maray waa in dhagax lagu dilo! Sidii baa la yeelay. Gabadhii waa la masabbiday oo khiyaano ah in ay gogoldhaaf samaysay ayaa lagu eedeeyay ka dibna dhagax baa lagu dilay!
Qisadan waxa 10 sano ka hor buug ka qoray Qoraa Faransiisa, wuxuuna cinwaan uga dhigay ( La Femme Lapidée) oo ku qoran Af Faransiiska, waxaana lagu turjumay cinwaanka ah ( The Stoning of Soraya~ Dhagxintii Soraya.' Waxaana sannadkii 2008dii laga metelay Film saamayn wayn yeeshay! Filinkaas ciddii daawatay waxa ay ku sheegeen inay ka buuxdo cadho, cunfi, dhibaato iyo in lagu tacaddiyay gabadh yar oo aan waxba galabsan!
Sheekadan oo dunida caan ka noqotay waxa aynu ka baran karnaa:
1- Damaca ragga ee liita ee ku saabsan in ragga qaarkood markasta u hanqaltaagaan inay guursadaan xataa haddii ay xaasas hore leeyihiin.
2- Ragga hammigooda koowaad waa dumar, xataa naf bay u goyn karaan si ay u helaan gabadha ay jeclaadeen.
3- In la iska hubsado qofka lagu tuhmayo oo aan lagu gafin oo lagu qaadin danbi aanu samayn.
4- In marar badan qofka xumaan lagu tuhmayaa noqon karo qof wanaagsan oo ka dhawrsoon waxaas.
Qisada waxa aan ka dheegtay Page ( صفحات من التاريخ
1.) Inta hoose ee tacbiirka ah aniga oo Cabdirisaaq Sandheere ah ayaa raaciyay.
Maxaad ka fahantay Qisada?
Comments
Post a Comment