Maxaynu ka baran karnaa QISADII NEBI YUUSUF?
Waxa aan in badan iswayddiinayay sirtii ka danbaysay in Nebi Yuusuf wanaag sameeyo oo dadka u wanaajiyo iyada oo haddana isagu yaraantiisii dhibaato soo arkay oo nolosha dhinaceeda xun uun usoo dhadhamiyay? Sidee qof wanaagsan u noqday isaga oo duruuf adag soo maray?
Jawaabta waxa aan ka helay dhammaadka Qisada Nebi Yuusuf, Quraanku isaga oo ka warramaya Nebi Yuusuf wuxuu yidhi: “ Alle wayne ayaa i wanaajiyay…” Nebi Yuusuf dhibaatadaas uu la kulmay iyo caqabadahaas ba wuxuu u arkaa wanaag iyo Ixsaan xagga Alle ka yimid iyo in Alle u naxariistay.
Nebi Yuusuf ma odhan maxaa la ii xidhay iyada oo la i dulmiyay, balse taas baddelkeeda wuxuu yidhi sida Alle xusay “ Alle wuu i wanaajiyay markii uu jeelka iga soo saaray...”
Nebi Yuusuf isma wayddiin oo ma odhan maxay ‘ Maxay walaalahay waxaa iigu sameeyeen?’ Balse, wuxuu yidhi sida Alle ka warramay ‘.. Markii aniga iyo walaalahay shaydaan isku kaaya dhuftay…’
Xataa markii gabadhii boqorku damacday ee fidnadu ka dhex dhacday wuxuu xasuustay ixsaanka Alle u sameeyay, wuxuuna yidhi sida Alle ka warramay ‘… Alle ayaan ka magangalay, Allahaas oo i wanaajiyay…’
Nebi Yuusuf dhibaato kasta oo ku dhacda wuxuu u arkayay in Alle wanaajiyay. Sidaas oo dhan ayuu noloshiisa oo dhan imtixaankasta oo ku dhaca u xasuusanayay fadliga Alle, deeqsinnimada, iyo ixsaankiisa. Markastana wuxuu dhibaatooyinka ku qaabbili jiray qalbi Alle u mahadnaqaya oo nuurka ka buuxo.
Alle wuxuu ku siiyay wanaag badan, u mahadnaq.
W/Q: Dr. Mustafe Maxamuud.
Turjumid: Cabdirisaaq Sandheere
07 May, 2025
Comments
Post a Comment