Haddaad rabtid in aad noqotid aqoonyahan...
Maaha kaliya in aad noqotid shaqaale ama kaliya in aad xafiiska Jaamacadda iyo Maktabaddeeda iska joogtid. Waa in caqligaagu xanbaaro wayddiimo waawayn, sidaa si la mid ah waa in qalbigaagu qaadi karo masuuliyadda jawaabta. Waa in aad xaqiiqsatid in aanad kaliya ahayn in aad aqoon yeelatid, balse waa in aad yeelatid wacyi, iyo qof abuuraya hiddidiilo iyo rejo.
Aqoonyahanoow, masuul baad ka tahay hadalka iyo kalmadda aad ka odhanaysid madalaha iyo meelaha aad muxaadarooyinka ( Lectures ka) ka jeedinaysid; sida aad masuulka uga tahay aamusnidaada marka aamusnidu tahay khiyaano iyo mid lagaga gabbanayo sheegidda xaqa.
Adigu kaliya ma tihid cilmibaadhe, balse waxa ku saaran in aad noqotid aqoonyahan damiir leh, qof wax naqdiya, iyo in aad noqotid qof bulshada ku xidha oo gaadhsiiya jaamacadda, iyo in aad la timaaddid aragti shaqaynaysa.
Kuguma filna kaliya in aad cilmibaadhis qortid, oo aad faafisid. Su'aasha runta ahi waxa ay tahay: Weli ma keentay fekrad kaliya oo xal u noqonaysa dhibaato jirta? Fahanka aad ka haysatid nolosha, dadka iyo waaqicu ma gaadhsiisanyahay heerkii aad u baahnayd? Weli ma samaysay raad muuqda oo la arki karo? Ama wax lagaa dhegaysan karo oo waxqabada?
Waqtigu ma soo laabto, cid maqanna uma joogsado oo ma sugo.
Maanta waxa aad u baahantahay fekerro kuu fura albaabada, fekerradaas oo aan ahayn kuwo doqonniimo leh, balse ha ahaadaan kuwo qiyamkaaga ka turjumaya.
In aad aqoonyahan noqoto macnaheedu waxa weeyi in aad noqotid qof waaqici ah. Waa in aad usoo jeedsatid oo la socotid fekerrada ardaydaada, iyo horumarinta qorshahaaga. Sidoo kale, waa in aad qaaddid hammiga bulshadaada.
Kaliya ha noqon ' Cilmibaadhe'; balse, noqo iftiin. Cilmigu ma dego dhismayaasha waawayn, balse, wuxuu ku koraa dadka dhexdooda.
W/Q: نبض الروائع
Turjumid: Cabdirisaaq Sandheere
13 May, 2025.
Comments
Post a Comment