4 ta Marxaladood ee Hodannimadu marto



 1- Degganaan Dhaqaale (Financial Instability)

Xasilloonida dhaqaaluhu waa marka qofku iskii iskugu filabyahay, ee aanu waxyaabaha aasaaska ah iyo baahidiisa cidna u baahnayn. Sidoo kale, waa qofka oo aan wax dayna lagu lahayn ama aan dayn gelin. Dhinaca kale, waa qof ku filan oo bixiya biilasha cidkasta oo ku xidhan.Dhinaca kale, waa qof wax kaydsada oo dakhliga soo gala markuu kharashka ka bixiyo wax uga soo hadhaan. 

2-  Istaraatijiyad Dhaqaale ( Financial Strategy)

Waa marka qofku sameeyo maalgelin, ee waxyaabo badan maalgashado. Si kooban waa marka qofka lacagtiisu u shaqayso. 

3- Xasillooni Dhaqaale ( Financial Security)

Waa qofku marka uu lacagtiisa ku raaxaysto, waa marka qofku cunto fiican cuno, dalxiis sameeyo ee socdaalo waawayn galo. 

4- Xorriyad Dhaqaale ( Financial Freedom)

Marxaladdan qofka lacagtu lama wayna, sida uu doono ayuu samaynayaa, waqtiga uu doono ayuu seexanayaa, waqtiga uu doonana wuu kacayaa. Ma jirto  cid waqtigiisa la maamulaysaa. 


Cabdirisaaq Sandheere

16 July, 2025

Comments

Popular posts from this blog

Gorfeynta Buugga “ A Woman of Firsts ~ Marwadii koowaad” oo Dr Edna Aadan qortay

Markaad wax akhirid maxaa dhacaya?

Milicsigayga Sannadkan 2024 ( My Annual Review In 2024)