Calaamadaha lagu garto guriga ay ku dhacday ama hayso Isha ama xasadku
1- Guriga oo bilaa degganaan
iyo xasillooni la'aan noqda, raaxaduna ku yaraato. Sidoo kale, in guriga
dhexdiisa la isku qabsado oo hadal iyo dhibaato ka timaaddo arrimo yaryar oo
aan macno wayn lahayn.
2- Waxa isbeddel ku imanayaa qaabkii iyo hannaankii ay u wada hadli jireen lammaanuhu iyo in ay ku heshiin waayaa arrimo badan oo isku khilaafaan.
3- In ay bataan dhibaatooyinka iyo khilaafka ka dhex jira qaybaha kala duwan ee qoysku.
4- In markasta qofku dareemo culays iyo murugo iyo farxad la'aan.
5- In qofku dareemi waayo farxad ama badhaadhe- iyada oo uu haysto dhammaan waxyaabihii keenayay/sababayay farxadda iyo badhaadhuhu.
6- In xubnaha kala duwan ee qoysku kala fogaadaan oo ay jecelyihiin in ayna wada hadal oo sheekaysan. Waana calaamad sheegaysa in il jirto.
7- In qoysku aanu maalinta oo dhan dareemin wax raaxo ama nasasho ah- oo ay dareemayaan murugo, quus iyo han jab.
8- In qoyska qaar ka mid ah ay ku dhacaan xanuuno degdeg ah sida madax xanuun ama xanuuno kale. Sidoo kale, in dadkaas xanuunsaday ayna ku caafimaadin dawooyinkii, iyaga oo weliba dawooyinka si joogto ah u qaata.
9- Calaamadaha kale ee isha waxa ka mid ah in xubnaha qoyska oo dhani jeclaado hurdo aad u hurdo bataan- in ay caajis badan dareemaan, iyo in ayna jeclayn in ay qabtaan shaqooyinka muhiimka ah ee u yaalla.
10- Gidaarka guriga oo dildillaaca, ama in qaar ka mid ah gidaarrada guriga lagu arko calaamado caddaynaya in guriga il ku dhacday oo ay dareemaan dadka guriga ku dhex nool, iyo dadka guriga ku nooli u baahanyihiin in ay guriga ku akhriyaan adkaarta sharciga ah ee lagu daweeyo isha iyo xasadka.
11- Calaamadaha waawayn ee isha iyo xasadka guriga waxa ka mid ah in aqalka lagu dhex arko xasharaad aad u badan, dadka guriga ku noolna ay dili kari waayeen ama maarayn kari waayeen iyaga oo marar badan isku dayay inay dilaan. Xashaaraadkaas waxa ka mid ah sida Qudhaanjada, injirta, Baranbarada iyo qaar kaloo badan.
12- Calaamadaha isha waxa ka mid ah guriga guluubyada laydhku ka wada gubtaan si wadar ah, ama israacraacaan oo kolba qaybi gubato- gaar ahaan ay ay gubtaan xilliga aad ka loogu baahanyahay, weliba iyada oo aan la garanayn sababta ay u gubteen guluubyadaasi.
13- Calaamadaha isha waxa ka mid ah in qoyska ka baxdo lacag badan, lacagtaasna ayna kaga soo noqon wax manfac leh oo xaafadda u faa'ida ahi. Waa barako la'aan, barakala'aantu waa mid ka mid ah caalamadaha ugu waawayn ee isha. In qofku hanti badan ku bixiyo meel aan ku habboonayn waa mid ah calaamadaha barako la'aanta.
Waxa lagu dawayn karaa waan qofku naftiisa iyo gurigiisaba ku akhriyo Aayado Quraana- gaar ahaanna Aayadaha la iskaga ilaaliyo isha iyo xasadka- gurigana shaydaanka lagaga ilaaliyo.
Comments
Post a Comment