Talooyin Muhiima oo Khuseeya Qofka akhriska ku cusub
1- Akhri waxa aad jeceshay, ha akhriyin waxa uun waxa laguu ammaano ee lagu yidhaahdo waa muhiim akhriskiisu, akhri mawaadiicda aad xiisayso sida jacaylka, Falsafadda, taariikhda, horumarinta
2- Ku bilow akhriska buugta fudud, ha ku bilaabin buugta waawayn ee culculus.
3- Samayso hadafyo yaryar.
4- Naftaada ha dhibin, maalintii akhri 10 bog ama hal cutub.
5- Si joogto ah wax u akhri, se si badan ama wayn ha u akhriyin.
6- Dooro waqti ku habboon sida aroorta hore ama hurdada ka hor, sidoo kale dooro meel ku habboon.
7- Qor waxyaabaha aad ka heshid: Diiwaangeli waxa ku xiiso geliya sida fekrado ku soo jiita ama waxyaabo aad dareentid inay muhiim yihiin akhriska ka dib.
8- Ha werwerin haddii aanad waxa aad akhriyaysid wada fahmin markaas, waxa dhismaya luuqaddaada iyo fahankaaga- muhiimaddu waa joogtaynta.
9- Kala saar buugta sheekooyinka ama khiyaaliga ah iyo buugta aan sheekooyinka ahayn: Buugta sheekooyinku waxa ay ballaadhinayaan mala'awaalkaaga, halka buugta fekriga ahi ay ballaadhinayaan fahankaaga.
10- Iskaa wax u akhriso, naftaada cidna ha barbardhigin, waayo qofkastaa wuxuu leeyahay wax isaga u gaar ah.
W/Q: Sakariye Namir.
Turjumaad: Cabdirisaaq Sandheere
Julaay 06, 2025
Comments
Post a Comment