Posts

Showing posts from January, 2026

Xeerarka aan qornayn ee ay tahay in qofkastaa ogaado

Image
  1-        Ilaali dadka kaa hooseeya, tixgelinna u muuji dadka aad isku mustawaha nololeed ama shaqo tihiin. 2-    Marka aad marti tahay ee lagu casuumo waxba ha ka sheegin cuntada lagu siiyo. 3-    Ha cunin inta ugu danbaysa shay aanad lacagtiisa bixin. 4-    Marka aad gorgortan gelaysid ha noqon qofka u horreeya ee sicirka ama qiimaha isagu sheega ee miiska keena. 5-     Waxa aad joojisaa in aad waqti iyo tamar siisid dadka liita iyo kuwo aan macnaha lahayn ba. 6-    Canaanta adigu qaado, balse had iyo jeer sii oo sheegta cidda leh ammaanta iyo bogaadintaba ee hawsha qabatay. 7-     Haddii aan lagu casuumin, ha codsan in lagugu daro casuumadda. 8-    Qofna ha ka baryin inuu ku jeclaado ama dareen ku siiyo. 9-    Had iyo jeer si wanaagsan u lebbiso, waayo lebbisku wuxuu muujiyaa ixtiraam. 10-          ...

20 Xirfadood ee ay adeegsadaan dadka caqliga badani

Image
1-      Waxay kuu oggolaadaan inaad adigu hadalka bilowdo si aad adigu naftaada u fashiliso (ama u muujiso waxa aad wado). 2-    Iyagu way isdejiyaan oo xasillooni ayay muujiyaan halka qofka kale wax ka falcelinayo ee kacsanyahay. 3-    Waxa ay hadlaan wax yar, in bandanna way isxakameeyaan. 4-    Waxa ay qofka/dadka weydiiyaan su’aalo halkii ay jawaabo ka bixin lahaayeen. 5-     Waxa ay eegaan oo u fiirsadaan habdhaqanka soo noqnoqda, ee ma eegaan uun hadallada oo kaliya. 6-    Waxa ay dib u dhigaan jawaabta si ay u tijaabiyaan samirka qofka. 7-     Waxa ay xakameeyaan dareenkooda, balse ma xakameeyaan duruufaha iyo xaaladaha- macne ahaan ‘ awooddu ma aha beddelidda xaaladda, balse waa xakamaynta nafta.’ 8-    Marna si hore ama degdega uma muujiyaan dhammaan wixii ay hayaan iyo qorshayaashooda ( Hal mar ma wada bandhigaan qorshayaashooda). 9-    Waxa ay ka dhi...

Sideed u noqon kartaa qof joogtayn iyo anshax leh (Disciplined)?

Image
  Waxa aad niyadda ku haysaa in anshaxa iyo nidaamka hawlaha loo qabto la dhiso, balse ayna ahayn wax la iska rajeeyo oo niyadda uun ayna ahayn. 1-     Ha sugin waqti ku habboon Dadka qaarkood hawlaha ma bilaabaan, waayo waxa ay raadinayaan kalsooni, dhiirrigelin ama xaaladda ugu fiican, balse waxa aad ogaataa in anshaxa lagu abuuro ficil, balse aan lagu abuurin caaddifad, marka aad ka hortagtid cudurdaarkuna waa marka anshaxa iyo nidaamku kuu bilaabmayo. 2-    Waxa aad samaysataa xilli hawshaada ku habboon, xiligaasna joogtee oo ilaali In qofku xilli xaddidan samaystaa waxa ay meesha ka saartaa go’aanka isku soo haadka ah, marka qofku iska dhaafo go’aannada isku soo haadka ahna wuxuu meesha ka saaray cudurdaarka naftiisa, waayo qofka ku socda jadwalku isma waydiiyo inuu hawsha u taal qabto — wuxuu fuliyaa uun qorshihiisa. 3-    Ka fogow dhabqiyayaasha halkii aad kala dagaallami lahayd  Doonista dadku way koobantahay, balse deegaanka iyo bay...

Mucjisinnimada Quraanka

Image
   -           Malaku Jibriil oo Quraanka soo dejiyay wuxuu noqday Malagii ugu fadliga badnaa Malaa’igta. -           Nebi Muxamed oo Quraanka lagu soo dejiyay wuxuu noqday qofka ugu fadliga badan dadka. -           Quraanka oo loo soo dejiyay Ummadda Nebi Muxammed waxa ay noqotay ummadda ugu khayrka badan ummadaha. -           Bisha Ramadaan oo Quraanka la soo dejiyay waxa ay noqotay bisha ugu fadliga ama khayrka badan bilaha. -           Habeenka Laylatul Qadarka oo Quraanka la soo dejiyay wuxuu noqday habeen fadli badan oo ka khayr badan kun bilood. Bal ka warran haddii Quraanku degi lahaa qalbiyadeenna? Allow Quraanka qalbiyadayada ku sug. Turjumaad: Cabdirisaaq Sandheere Jannaayo 13, 2026.  

Nidaamka iyo Anshaxa Shaqada 2026

Image
  Waxa laga yaabaa in aad shaqaale tahay oo shirkad, haayad, qof ama dawladdaba u shaqaysid. Maadaama sannad dhammaaday oo sannad cusub 2026 la galay waa inaad sida sannadku isbeddelay naftaadana u baddeshid oo qof cusub noqotid. Intii hore qof baad ahayd, qorshaha ku darso in aad sannadkan cusub qof cusub noqotid. Si aad qof cusub u noqotid dhaqangeli xeerarkan iyo anshaxyadan: 1-      Qofna ha aaminin. 2-    Wixii xafiiskaaga ama goobtaada shaqadu ka dhacaa ha ku ekaadaan xafiiska, ha gayn guriga ama meel kalaba. 3-    Shaqada waqtiga loo asteeyay xafiiska soo gal, waqtiga loo asteeyayna xafiiska ka bax. In aad xafiiska iska fadhidid ma caawinayso caafimaadkaaga. 4-    Xafiiskaaga yayna iman walaalkaa, walaashaa, xaaskaaga/jacalykaaga ama qaraabadaadu adiga dartaa, waxa ka dhalan kara wax shaqada kaa xumeeya. 5-     Dadka kula shaqeeya waxba ha ka filan, haddii ay ku caawiyaan u mahadceli, haddii kalan...

20kii Dardaaran ee Nebiyada

Image
  20ka Dardaaran ee Nebiyada 1-      Ka dhawrso xaaraanta, waxa aad noqon doontaa qofka dadka ugu cibaadada badane. 2-    Ku qanac waxa Alle ku siiyay, waxa aad noqon qofka dadka ugu qanaacada badane. 3-    Jaarkaaga wanaaji, waxa aad noqon qof muumin ahe. 4-    Dadka la jeclow waxa aad la jeceshahay naftaada, waxa aad noqon qof Muslim ahe. 5-     Iska ilaali qosolka badan,waayo qosolka badan wuxuu dilaa qalbiga. 6-    Iskaga tag wixii aad ka shakido, waxa aanad samaysaa waxa aanad ka shakisanayn. 7-     Meelkasta oo aad joogtid Alle ka cabso. 8-    Haddii xumaani kaa dhacdo wanaag ka dabagee, wanaagaasi wuu tirtiriye. 9-    Dadka habdhaqan wanaagsan kula dhaqan. 10-            Alle xifdi oo ilaali, isna wuu ku ilaaline. 11- Haddii aad cid wax wayddiisanayso Alle wayddiiso, Allana magangal. 12-     ...

Lixda xeer ee qaangaadhnimada Habfekerka iyo Garaadka

Image
  Waxa jira xeerar muujiya qaangaadhnimada fekereed ama caqliyeed ee qofka, xeerarkaasi haddii uu qofku ku dhaqmo waxa ay muujinayaan in qofkaasi yahay qof caqli ahaan qaangaadha oo feker ahaan bisil, haddii aanu qofku lahayn arrimahanna waa qof feker ahaan iyo caqli ahaan ba gudhan Waa kuwan 6da xeer ee qaangaadhnimadu: 1-      Naftaada xakamee: Markasta adigu naftaada xakamee oo xadkeeda ku ilaali, dadka kale ha isku dayin in aad xakamaysid ama maamushid- keliya adigu naftaada maaree oo xakamee. Cadhada, gardarrada, sharcijebinta, musuqmaasuqa, dulmiga, iyo waxkasta oo xun ka xakamee. Sidaas si la mid ah naftaada ku ilaali dhaqankasta oo wanaagsan oo wax ku kordhinaya. Habdhaqanka wanaagsan, cibaadada, runta, ballanta iyo waxkasta oo wanaagsan ku ilaali naftaada. 2-    Waxkasta bogaadi: Waxa aad barataa xeerka bogaadinta waxkasta, dadku waxa ay samaynayaan waxba kaama gelin, kumana khuseeyaan, waxkasta oo aad ka aragtid ha faallayn, haddii a...

10 Xaqiiqo oo ku saabsan Lamafilaannada iyo Layaabbada Waqti Xaadirkan!

Image
  1-      Waxaan arkay dadka waqtigeennan jooga, kuwaas oo noloshooda ka dhigtay nolol is rogrogid  iyo isbed’baddel joogto ah ku jirta, qiyamka ku adkaysigiisu wuxuu noqday wax maskax ahaan loo neceb yahay oo nijaaso ah, halka qofkii Muslimka ahaa ee hore ugu dagaallami jiray fekrad iyo mabda’ dadkana ku boorrin jiray, hadda wuxuu si ceeb la’aan ah ugu baaqaa qabyaalad, xitaa carruurtiisana wuu ku barbaariyaa qabyaaladda, isagoo ku dhiirrigelinaya in ay qabyaalad darteed dadka ku jeclaadaan, uguna gargaaraan jacaylkeeda iyo u hiilinteeda- xataa haddii ay ka hor imanayso mabda’ooga. Ma aha wax lala yaabo isbeddelka ku dhacay dadka qaar ka mid ah dadka waqtigan nool, balse yaabka ugu weyn wuxuu yimaadaa marka la arko dadka culus ee ku adkaysta mabaadi’dooda, markaasna la isweydiiyo: Sidee dadkani ugu adkaysteen mabda’yadooda? Maanta, dadka u muujiya dabacsanaan laga muujiyo diinta iyo fekerka waxaa loo arkaa xirfad yo caqli, halka ay shalay  ahaan jirta...