Xeerarka aan qornayn ee ay tahay in qofkastaa ogaado

 



1-      Ilaali dadka kaa hooseeya, tixgelinna u muuji dadka aad isku mustawaha nololeed ama shaqo tihiin.

2-   Marka aad marti tahay ee lagu casuumo waxba ha ka sheegin cuntada lagu siiyo.

3-   Ha cunin inta ugu danbaysa shay aanad lacagtiisa bixin.

4-   Marka aad gorgortan gelaysid ha noqon qofka u horreeya ee sicirka ama qiimaha isagu sheega ee miiska keena.

5-    Waxa aad joojisaa in aad waqti iyo tamar siisid dadka liita iyo kuwo aan macnaha lahayn ba.

6-   Canaanta adigu qaado, balse had iyo jeer sii oo sheegta cidda leh ammaanta iyo bogaadintaba ee hawsha qabatay.

7-    Haddii aan lagu casuumin, ha codsan in lagugu daro casuumadda.

8-   Qofna ha ka baryin inuu ku jeclaado ama dareen ku siiyo.

9-   Had iyo jeer si wanaagsan u lebbiso, waayo lebbisku wuxuu muujiyaa ixtiraam.

10-                       Had iyo jeer waxoogaa lacaga oo caddaana Jeebka ku qaado.

11- Wax dhegayso, madaxa lul oo qofka kula hadlaya indhihiisa fiiri.

12-                       Xakamee cadhadaada, cadhadu waxa ay yaraysaa awooddaada, waxayna kaa dhigtaa qof jilicsan.

13-                       Si daacada u hadal markasta. Fahan waxa aad ku hadlaysid, kuna hadal wax aad fahmi kartid.

 Cabdirisaaq Sandheere

Comments

Popular posts from this blog

Xirfadaha kaa dhigi kara hantiile inta aanad gaadhin da’da 30 jirka

Noqo Qof Anshax leh ( 18 Xeer)

Maalin Taariikhiya 26 Dec. 2025: Ictiraafka Jamhuuriyadda Somaliland