Sideed u noqon kartaa qof joogtayn iyo anshax leh (Disciplined)?
Waxa aad niyadda ku haysaa in anshaxa iyo nidaamka hawlaha loo qabto la dhiso,
balse ayna ahayn wax la iska rajeeyo oo niyadda uun ayna ahayn.
1-
Ha sugin waqti ku habboon
Dadka
qaarkood hawlaha ma bilaabaan, waayo waxa ay raadinayaan kalsooni, dhiirrigelin
ama xaaladda ugu fiican, balse waxa aad ogaataa in anshaxa lagu abuuro ficil,
balse aan lagu abuurin caaddifad, marka aad ka hortagtid cudurdaarkuna waa
marka anshaxa iyo nidaamku kuu bilaabmayo.
2-
Waxa aad samaysataa xilli hawshaada ku
habboon, xiligaasna joogtee oo ilaali
In qofku xilli xaddidan samaystaa waxa ay meesha ka saartaa
go’aanka isku soo haadka ah, marka qofku iska dhaafo go’aannada isku soo haadka
ahna wuxuu meesha ka saaray cudurdaarka naftiisa, waayo qofka ku socda jadwalku
isma waydiiyo inuu hawsha u taal qabto— wuxuu fuliyaa uun
qorshihiisa.
3-
Ka fogow dhabqiyayaasha
halkii aad kala dagaallami lahayd
Doonista dadku way koobantahay, balse
deegaanka iyo bay’adu waa mid awood leh- sidaa darteed dadka adag iskuma
halleeyaan keliya xakamaynta nafta uun—
waxa ay iska tuuraan Applications ka jihad aka leexinaya, waxa ay iska xidhaan
Wabsaydyo, waxa ay baddelaan qolalkooda, waxayna dib u habeeyaan deegaanka ku
hareeraysan oo dhan— sidaa darteed anshaxa iyo laylyidda naftu waxa uu
noqonayaa mid naftu si caadiya ula qabsato, qofkuna kuma jirayo gebidhaclayn
joogto ah.
4-
Marka hore qabo waxyaabaha adag ama shaqooyinka culus
Shaqooyinka ad’adag ee aad inta badan iska
ilaalisid waa kuwa noloshaada hore u wadi kara ee horumar degdega gaadhsiin
kara, markasta oo aad degdeg u qabatidna waxa aad dhisaysaa xamaasad iyo
tixgelin shakhsiyadeed oo aad waxkasta oo noloshaada ah oo kale ku qaban
kartid.
5-
Jidhkaaga si joogto ah u layli
Layliga jidhku wuxuu neerfaha habdhiska barayaa inay
degganaadaan marka culays jiro, qofka sida joogtada ah jidhkiisa u dhisaa wuxuu
ogaanayaa in murugada iyo degganaan la’aantu tahay wax laga badbaadi karo,
taasi oo keenaysa in nidaamka qofku sii shaqeeyo, lacagta iyo jacaylkuna
noqdaan kuwo fudud.
6-
La soco caadooyinkaaga si adag, joogto ah oo
aan marmarsiiyo lahayn
Wax kasta oo aad la
socoto way kuu caddaadaan, waxa kuu caddaadana waad xakamayn kartaa; sababtoo
ah tirooyinku been ma sheegaan, aragtida guulahaaga isdabajoogga ah ama
guuldarrooyinkaagana waxay kugu khasbaan daacadnimo iyo islaxisaabtan.
7-
Ilaali ballamaha aad naftaada la gasho
Mar kasta oo aad jebiso ballan aad naftaada la gashay waxa
aad wiiqaysaa kalsoonida aad naftaada ku qabto; kalsooni la’aanteeduna waxa ay
keentaa inuu burburo anshaxa iyo aadaabta naftu, maxaa yeelay edebtu ma aha
qasab iyo xoog, balse waa inaad noqoto qof eraygiisa ilaaliya.
8- Latacaal caajiska, hana ka cararin
Horumarku
waa wax soo noqnoqda oo inta badan caajis ah; dad badanna uma joojiyaan shaqada inay adagtahay
darteed, balse waxay u joojiyaan inayna ahayn mid xiiso leh oo ayna xiiso u
hayn. Sidaas darteed, barashada u adkaysiga caajiska waa xirfad anshax
nafsadeeda oo qarsoon.
9-
Xakamee rabitaanka iyo raaxada degdegga ah,
haddii kale adigaa lagu xakamayn doonaa
Filimada anshax xumada ah, cuntooyinka aan manfaca lahayn,
isticmaalka joogtada ah ee baraha bulshada, iyo raaxooyinka fudud waxa ay
saameeyaan nidaamka abaalmarinta maskaxda, taasi oo ka dhigaysa in dadaalku u
muuqdo mid culus, isla markaana diiradsaariddu ku adkaato maskaxda; waana
sababta ay ragga anshaxa nafsadeed lihi si ula kac ah u yareeyaan raaxada
degdegga ag, si ay u ilaashadaan dhiirrigelinta, hammiga, iyo awoodda dadaalka.
10-
Jooji naftaadan aad dadka u sharraxayso ama
barayso
Sharraxaaddu waxa ay keentaa dood, iyo in qofku raadiyo in
la aoonsado- waxayna sababtaa dibudhac. Dadka anshaxa waxqabad leh
natiijooyinkooda ayaa hadla, Si deggan oo aan buuq lahayn ayay u shaqeeyaan, Horumarka
dhabta ah ayaa caddeeya saxnimadooda, ma aha ra’yiga dadka kale.
W/Q:
Mastering Manhood
Turjumaad:
Cabdirisaaq Sandheere
Jeenaweri
20, 2026
Comments
Post a Comment