20 Xirfadood ee ay adeegsadaan dadka caqliga badani



1-     Waxay kuu oggolaadaan inaad adigu hadalka bilowdo si aad adigu naftaada u fashiliso (ama u muujiso waxa aad wado).

2-   Iyagu way isdejiyaan oo xasillooni ayay muujiyaan halka qofka kale wax ka falcelinayo ee kacsanyahay.

3-   Waxa ay hadlaan wax yar, in bandanna way isxakameeyaan.

4-   Waxa ay qofka/dadka weydiiyaan su’aalo halkii ay jawaabo ka bixin lahaayeen.

5-    Waxa ay eegaan oo u fiirsadaan habdhaqanka soo noqnoqda, ee ma eegaan uun hadallada oo kaliya.

6-   Waxa ay dib u dhigaan jawaabta si ay u tijaabiyaan samirka qofka.

7-    Waxa ay xakameeyaan dareenkooda, balse ma xakameeyaan duruufaha iyo xaaladaha- macne ahaan ‘ awooddu ma aha beddelidda xaaladda, balse waa xakamaynta nafta.’

8-   Marna si hore ama degdega uma muujiyaan dhammaan wixii ay hayaan iyo qorshayaashooda ( Hal mar ma wada bandhigaan qorshayaashooda).

9-   Waxa ay ka dhigaan aamusnaantoodu in ay qofka kale ku cadaadiso inuu sheego xog ama wax qofka kale u muhiima.

10-                       Waxa ay u dhaqaaqaan si aamusan, laakiin ficilkoodu waa mid go’aan leh oo saamayn keena.

11-  Waxa ay jecelyihiin inay sharraxa naftooda ku muujiyaan  ficilkooda, oo halkii ay hadalka ku sheegi lahaayeen ee sharraxaad dheer geli lahaayeen ficilkooda ayaa muujiya natiijadooda.

12-                       Waxa ay abuuraan muuqaal been ah si ay u qariyaan ujeeddadooda dhabta ah (muuqaalka waa dabin; ujeedadu waa qarsoon tahay).

13-                       Waxa ay awoodaha qofka ka dhigaan kuwo daciif ah.

14-                       Waxa ay maamulaan sida dadku wax u arkaan, balse ma beddelaan xaqiiqada dhabta ah.

15-                        Waxay ahaadaan kuwo aan la saadaalin karin si ay u sii haystaan xakameynta iyo maamulkaba.

16-                       Waxa ay qofka ka ka dhigaan inuu ka shakiyo xusuustiisa.

17-                        Waxa ay isticmaalaan ammaan ama bogaadin si ay qofka u dejiyaan oo u xeeladeeyaan.

18-                       Waxa ay xakameeyaan sheekada ama sida wax loo arko si ay u qaabeeyaan aaminsanaanta dadka.

19-                       Waxa ay isku dayaan go'doomiyaan qofka si ay kugu kordhiyaan ku-tiirsanaanta iyaga iyo baahida loo qabo taageeradooda.

20-                     Waxay abaalmariyaan marka qofku raaco ama oggolaato waxa ay doonayaan, waxayna ciqaabaan ama waxyeelleeyaan qofka marka uu diiddo ama iska caabbiso waxay rabaan.

W/Q: Brotherhood Empire.

Turjumaad: Cabdirisaaq Sandheere

 


Comments

Popular posts from this blog

Gorfeynta Buugga “ A Woman of Firsts ~ Marwadii koowaad” oo Dr Edna Aadan qortay

Markaad wax akhirid maxaa dhacaya?

Faallada buuga ‘ Ragga oo kaliya’