Lixda xeer ee qaangaadhnimada Habfekerka iyo Garaadka

 


Waxa jira xeerar muujiya qaangaadhnimada fekereed ama caqliyeed ee qofka, xeerarkaasi haddii uu qofku ku dhaqmo waxa ay muujinayaan in qofkaasi yahay qof caqli ahaan qaangaadha oo feker ahaan bisil, haddii aanu qofku lahayn arrimahanna waa qof feker ahaan iyo caqli ahaan ba gudhan

Waa kuwan 6da xeer ee qaangaadhnimadu:

1-     Naftaada xakamee: Markasta adigu naftaada xakamee oo xadkeeda ku ilaali, dadka kale ha isku dayin in aad xakamaysid ama maamushid- keliya adigu naftaada maaree oo xakamee. Cadhada, gardarrada, sharcijebinta, musuqmaasuqa, dulmiga, iyo waxkasta oo xun ka xakamee. Sidaas si la mid ah naftaada ku ilaali dhaqankasta oo wanaagsan oo wax ku kordhinaya. Habdhaqanka wanaagsan, cibaadada, runta, ballanta iyo waxkasta oo wanaagsan ku ilaali naftaada.

2-   Waxkasta bogaadi: Waxa aad barataa xeerka bogaadinta waxkasta, dadku waxa ay samaynayaan waxba kaama gelin, kumana khuseeyaan, waxkasta oo aad ka aragtid ha faallayn, haddii ay wax kaa wayddiiyaan ku bogaadi uun.

3-   Shaqo kasta oo aad qabanaysid sida ugu wanaagsan u qabo, hannaanka ( process) kana aamin: Hawlkasta oo la joogteeyo horumar baa laga gaadhaa, qodobka ugu wayna waa in hannaankeeda la joogteeyo oo si joogto ah loo qabtaa.

4-   Baro sida in yar ama wax kooban uun looga falceliyo: Waxkasta ha ka falcelin, keliya ka falceli waxa ku khuseeya, aadna u yaree falcelinta.

5-    Qofkasta wax ha u sheegin, waxkastaana ha sheegin: Waa in aad joojisaa in aad cidkasta  wax u sheegtid. Dadku kuuma wada aha dad wanaagaaga jecel iyo kuwa ku farxa horumarkaagaba. Sidaa darted, waa in aanad waxkasta oo aad ogtahay aanad dadka u sheegin.

6-   Si caqligal ah u dooro asxaabtaada: Asxaabtu waa dadka kuugu dhaw ee waxkasta oo noloshaada ka socda og, waa in aad si caqligal ah u doorataa cidda aad noloshaada ka agdhawaynaysid.

Cabdirisaaq Sandheere 


Comments

Popular posts from this blog

Gorfeynta Buugga “ A Woman of Firsts ~ Marwadii koowaad” oo Dr Edna Aadan qortay

Markaad wax akhirid maxaa dhacaya?

Faallada buuga ‘ Ragga oo kaliya’