Nidaamka iyo Anshaxa Shaqada 2026
Waxa laga yaabaa in aad shaqaale tahay oo shirkad, haayad,
qof ama dawladdaba u shaqaysid. Maadaama sannad dhammaaday oo sannad cusub 2026
la galay waa inaad sida sannadku isbeddelay naftaadana u baddeshid oo qof cusub
noqotid. Intii hore qof baad ahayd, qorshaha ku darso in aad sannadkan cusub
qof cusub noqotid.
Si aad qof cusub u noqotid dhaqangeli xeerarkan iyo anshaxyadan:
1-
Qofna ha aaminin.
2-
Wixii xafiiskaaga ama goobtaada shaqadu ka
dhacaa ha ku ekaadaan xafiiska, ha gayn guriga ama meel kalaba.
3-
Shaqada waqtiga loo asteeyay xafiiska soo gal,
waqtiga loo asteeyayna xafiiska ka bax. In aad xafiiska iska fadhidid ma
caawinayso caafimaadkaaga.
4-
Xafiiskaaga yayna iman walaalkaa, walaashaa,
xaaskaaga/jacalykaaga ama qaraabadaadu adiga dartaa, waxa ka dhalan kara wax
shaqada kaa xumeeya.
5-
Dadka kula shaqeeya waxba ha ka filan, haddii ay
ku caawiyaan u mahadceli, haddii kalana waxa aad barataa in waxkasta oo ku khuseeya
xallintiisu adiga kuu taallo.
6-
Ha ku degdegin in aad xil qabatid, haddii lagu
dallacsiiyo u mahadceli, haddii kalana dhib malaha, waayo waxa lagugu xasuusan
doonaa aqoontaada iyo asluubtaada, laguguma xasuusan doono xilka aad haysay.
7-
Ha ku mashquulin ama ha ka daba orodin
waxyaabaha xafiiska ee aan muhiimka ahayn. Noloshaada waxaa ku jira waxyaabo ka
qiimo badan.
8-
Ha ku noolaan kibir iyo xanaaq joogto ah; faham
in shaqadu tahay shaqo mushahar leh, hantidaada u adeegso in aad farxad heshid.
9-
Muhiim
ma aha sida ay dadka kuu la dhaqmaan; noqo qof mutawaadac ah. Qof walba ku
jeclaan maayo ama ku qancin kari maysid.
10-
Ugu dambayn, wax kasta oo kale way dhammaadaan
ama tagaan; waxa kaliya ee run ahaan qiimaha leh ee soo hadhaa waa qoyska,
saaxiibbada, hoyga, iyo deggenaanshaha qalbiga.
W/Q: Masterin Manhood
Turjumid: Cabdirisaaq Sandheere
Comments
Post a Comment