20kii Dardaaran ee Nebiyada
20ka Dardaaran ee Nebiyada
1-
Ka dhawrso xaaraanta,
waxa aad noqon doontaa qofka dadka ugu cibaadada badane.
2-
Ku qanac waxa Alle ku
siiyay, waxa aad noqon qofka dadka ugu qanaacada badane.
3-
Jaarkaaga wanaaji, waxa
aad noqon qof muumin ahe.
4-
Dadka la jeclow waxa aad
la jeceshahay naftaada, waxa aad noqon qof Muslim ahe.
5-
Iska ilaali qosolka
badan,waayo qosolka badan wuxuu dilaa qalbiga.
6-
Iskaga tag wixii aad ka
shakido, waxa aanad samaysaa waxa aanad ka shakisanayn.
7-
Meelkasta oo aad joogtid
Alle ka cabso.
8-
Haddii xumaani kaa
dhacdo wanaag ka dabagee, wanaagaasi wuu tirtiriye.
9-
Dadka habdhaqan
wanaagsan kula dhaqan.
10-
Alle xifdi oo ilaali,
isna wuu ku ilaaline.
11- Haddii aad cid wax wayddiisanayso Alle wayddiiso, Allana
magangal.
12-
Alle garo oo xasuuso
marka aad ku sugantahay barqaawada, Allana wuxuu ku xasuusan marka aad ku
sugantahay dhibaatooyinka iyo culaysyada.
13-
Adduunyada ka saahid Alle
wuu ku jeclaane.
14-
Waxa dadka gacantooda ku
jira ama hantidooda iska daa oo waxba ha wayddiisan, way ku jeclaan doonaane.
15-
Waxa aad tidhaahdaa ‘
Alle ayaan rumeeyay, ka dibna ku toosnow dariiqa oo ku soco jidka.’
16-
Qofkii xumaan arkaa waa
inuu wax ka qabtaa.
17-
Adduunyada waxa aad ku
noqotaa sidii qof martiya ama qof safara.
18-
Carrabkaagu ha ku
qoyanaado xuska Alle.
19-
Iska ilaali Ducada qofka
la dulmiyay.
20- Ha cadhoon.
Turjumaad: Cabdirisaaq Sandheere
Jannaayo 14, 2026.
Comments
Post a Comment