15 XEER EE NIN RAGEEDKA
1-
Isma dhiibaan: Ninkasta waxa soo wajaha
dhibaatooyin waawayn, caqabado iyo diidmooyin badan oo in loo diido wuxuu
danaynayay. Haddaba waxyaabaha ninka adag ka sooca ninka jilicsanta ah wax aka
mid ah adkaysiga. Hore u soco si kasta oo aad u dhaawacantid.
2-
Dareennadaada xakamee: Cadhada, masayrka, iyo
cabsidu ba waa wax dabiici ah, balse ha u oggolaan inay ku maamulaan. Ninka aan
xakameyn karin dareenkiisa, dadka kale ayaa mar walba maamuli doona.
3-
Ballankaaga ka dhig mid la isku halayn karo:
Haddii aad wax sheegtid in aad qabanaysid, fadlan qabo. Erayadaadu waa sharaf.
Haddii aadan lahayn joogteyn iyo daacadnimo, waxaad noqonaysaa qof kale oo
hadla uun, balse aan waxba fulin.
4-
Noqo qof awood leh, balse anshax iyo xakamayn
leh: Nin daciif ahi khatar ma aha. Nin aan taxaddar lahayn waa musiibo sugaysa
inay dhacdo. Awoodda dhabta ahi waxay ku jirtaa is-xakamayn. Ogoow in aad awooddo,
balse waa in aad adigu doorataa waqtiga.
5-
Qorshahaaga ka dhig mudnaanta koowaad oo
horraysii: Cayrsashada dumarka iyo raaddinta oggolaanshahoodu waa dabin, marka
hore dhis aasaaska noloshaada, boqortooyadaada ( ganacsi, sumcad, hanti) iyo
ujeeddadaada. Haddii aad diirada saarto dhisidda naftaada, hadafkaaga,
iyo waxyaabaha muhiimka ah- dadka saxda ah iyo fursadaha saxda
ah si dabiici ah bay kuu soo raaci doonaan.
6-
Jidhkaaga u tababar sida
dagaalyahan oo kale: Jidhka xooggan wuxuu dhisaa maskax xooggan. Ku tababbar
jidhkaaga si aad u hesho xoog, adkaysi, iyo awood. Ma ogid goorta noloshu ku
tijaabin doonto. Is diyaari maanta, si aad u adkaysato berry.
7-
Maskaxdaada
xakamee oo maamul: Xaqiiqada noloshaada waxaa qaabeeya fekerradaada.
Haddii aadan maskaxdaada xakamayn karin, adduunka ayaa kuu xakamayn doonta.
Anshaxu gudaha ayuu ka bilaabmaa.
8-
Hadalkaagu ha yaraado,
ficilkaagna ha bato: Ragga daciifka ahi waxa ay qiimahooda ku caddeeyaan hadal;
halka ragga xooggani ay isku dayaan natiijooyinkooda inay u hadlaan.
Aamusnaantu waa mid muhiim ah marka ficilkaagu ku qeexayo.
9-
Ha
ka dhigin dumarka ujeeddaada koowaad: Jeclaw oo ixtiraam
haweenka, laakiin ha ka dhigin xarunta aad ku wareegto. Himilooyinkaaga ayaa
mudnaanta koowaad leh. Haweeneyda saxda ahi way ku garab istaagi doontaa, balse
ma hor istaagi doonto oo caqabad kuma noqon doonto aragtidaada.
10-
U socod si ujeeddo leh: Erey kasta, ficil kasta,
iyo go’aan kasta waa inaad ka yeelatid ujeeddo. U noolow si ula kac ah, ha u
noolaan si iska dhac ah ama kedis ah. Ninka jihada leh si fudud looma ruxi
karo.
11- Naftaada ka agdhawee ragga xooggan ( Dadka leh
kartida, aqoonta iyo anshaxa): Dadka kugu hareeraysan waxay qeexaan heerkaaga. La
joog rag ku dhiirrigeliya, kugu haga, oo kugu xisaabiya ficilladaada. Walaaltinimada
waxay dhistaa weynaan.
12-
Naftaada ixtiraam marka hore: Haddii aad
dulqaadato ixtiraam-darro adiga ayaa sababay in aan lagu ixtiraamin. Yeelo
xuduudo cad oo ku dhaqan. Ninka naftiisa ixtiraama wuxuu dadka bara sida uu u
baahanyahay in loola dhaqmo.
13-
Ha ka baqin xaaladaha adag: Horumarka
dhabta ah kama yimaaddo raaxadaada caadiga ah. Xanuunka, dhibaatada, guuldarrada iyo caqabadkastaa waxa ay
xoojiyaan kartida qofka. Haddii aad rabto horumar dhab ah,
waa inaad raadsataa raaxo-darro, sababtoo ah halkaas ayay xoogga iyo garaadku
ku jiraa.
14-
Noqo qof deggan marka dhibaato wayni dhacdo: Marka
dhibaato dhacdo, ragga daciifka ahi way ku jahwareeraan oo way ka leexdaan
jidkooda. Isdeji oo qiimee dhibaatada, oo xakamee waxa dhacaya. Degganaanta
xaaladda culus waxa ay tahay awood dhab ah. Degganaanta iyo xakameynta naftaada
waa astaanta ragga xooggan; waxay kuu oggolaaneysaa inaad ka adkaato xaalad
kasta.
W/Q:
Unknown.
Turjumid:
Cabdirisaaq Sandheere
15
Febr. 2026
Comments
Post a Comment