Haddii aad tahay DHALLINYAR…
Haddaa tahay dhallinyar qodobbani
way ku anfacaysaa:
1- Inta aad yartahay waa in aad wax
dhisataa, waa in ayna raaxadu ku qaadan: Haddii waqtiga aad dhallinyarada tahay
nasashada doorbiddid gadaal ayaan shanlayn doontaa. Halka dadka kale iska
baashaalayaan waa in aad adigu wax dhisatid oo wax qabsatid. Haddii aad HADDA
anshax yeelatid, berry waxa aad heli doontaa xorriyad dhinacyo badan ah.
2- Maad habsaamin: Qof bar dhammaadka
qorshihiisii jooga ha isbarbardhigin adiga oo bar bilowga qorshahaaga jooga.
Qofkastaa waqtigiisa gaarka ah ayuu leeyahay, adigu waqigaaga uun diiradda
saar. Isbardhiggu waa dilaaga koritaanka.
3- Saaxiibbadu way yaraan doonaan:
Saxiibbada qaarkood way kula jaanqaadi doonaan oo kula kori doonaan, halka kuwa
kalana kaa hadhi doonaan; halka qaarna ku khiyaami doonaan. Waa sunnaha
isbeddelka. Qofna diyaar uma aha inuu kaa caawiyo noqoshada qofka aad rabtid.
Cidkasta sideeda ku aqbal oo ka soco.
4- Caadooyinkaagu waxa ay qeexayaan
mustaqbalkaaga: Waxyaabaha aad sida maalinlaha ah u samaysid waxa ay qeexayaan
mustaqbalkaaga. Waxa aad maanta samaysid wuxuu sheegayaa waxa aad berri noqon
doontid. Hagaaji maalintaada… waxaadna hagaajinaysaa tobanka sano ee
noloshaada.
5- Jooji lacag ku bixinta si aad u ekaato
qof hodan ah: Muuqaal (iska dhigista hodan) ma aha hanti dhab ah, Ku maalgeli
xirfadahaaga. Ku maalgeli caafimaadkaaga. Ku maalgeli hantida (wax kuu
shaqeeya). Lacag si fiican loo isticmaalo waxay dhistaa xorriyad. Lacag la
khasaaray waxay kaa dhigtaa meel istaag (horumar la’aan).
6-
Inta badan talooyinku waa kuwo
aan faa’iido lahayn: Feker kasta (ra’yi kasta) qiimo ma leh oo cidkasta
fekerkeedu maaha wax shaqaynaya. Kaliya waxa aad dhegaysataa dadka natiijo
macno leh ka keenay waxa aad rabtid. Natiijooyinku waxa ay keenaan hagid, halka
talooyinku khalkhal qofka ku abuuraan.
7-
Waxaad
ku fashilmi doontaa safarkan—marar badan: Laakiin taas macnaheedu ma aha inaad joojisid
waxqabadka. Markasta xataa khasaaruhu faa’ido ayuu wataa oo leeyahay.
Fashil kastaa wuxuu ku barayaa wax ayna guushu waligeed ku bari lahayn.
8- Qofka aad noqon doonto 30
jirkaaga hadda ayaad ka shaqaynaysaa: Waxa aad maanta samaynaysid ayaa go’aaminaya
qofka aad berri noqon doontid. Nidaam darrada, anshax la’aanta, caadooyinka xun…
kuwaas oo is urursaday baa ku saamaynaya. Hadda qorshayaal samayso, ama gadaal
ayaad qiimo sare bixin doontaa.
9- Diirrada meel saar, si
aamusanna u shaqee: Hadalka yaree, hawshana badi. Ismuujinta yaree, dhismaha
qorshahaagana badi. Abuur oo dhis nolol wanaagsan oo kuu qalanta.
W/Q:
The Dark mentor 0.2 ( English) ( https://www.facebook.com/photo?fbid=122129478471128972&set=a.122093354229128972 ).
Turjumid: Cabdirisaaq Sandheere
Comments
Post a Comment