10 Caado oo kaa dhigi kara qof aan dareen ahaan RUXMIN ama ciirciirin
1- Isdeji haddii aad ixtiraamdarro dareentid oo lagu bahdilo.
2- Fuli waxa aad tidhaahdid waan fulinayaa, xataa haddii waxaas aanad jeclayn oo uuna ku cajabin.
3- Kelidaa waqti qaado adiga oo aan cidlo ama kelinnimo dareemayn.
4- Naftaada u sharraxin cidkasta.
5- Jidhkaaga si joogto ah u tababbar oo u dhis.
6- Draeennadaada ilaali oo xakamee inta ayna ku xakamayn.
7- Ka fogoow oo iska ilaali buuqa, dhibaatooyin aan loo baahnayn, iyo jacayl been ah ba
8- Dib u dhig dabbaaldegga iyo damaashaadka si aad u gaadhid guulo waawayn oo kale.
9- Aqbal xanuunka ama dhibaatada adigoon noqon qof nacayb, cadho iyo cuqdadi hayso.
10- Naftaada ku kalsoonoow marka cadaadis iyo dhibaatooyin jiraan.
W/Q: Mastering Manhood.
Turjumid: Cabdirisaaq Sandheere
17 May, 2026
Comments
Post a Comment