8 Calaamadood oo muujinaya in shaqada aad haysaa dibudhac kugu tahay oo si tartiib tartiiba gadaal kuugu waddo
1-
In ka
badan inta aad shaqo faraha ku haysid waxa aad fiirisaa saacadda: Inta
aad shaqada ku jirtid waqtigu wuu kugu dheeryahay oo waxa ay kuula muuqataa
shaqo aan weligeed dhammaanayn. Daqiiqadkastaa daal iyo culays bay kugu tahay. Markaa
ma dhisanaysid mustaqbal shaqo ama xirfad, balse waxa ad u nooshahay sidii qof
ciqaab xabsi daa’im ah ku jira.
2-
Niyaddaada
ama qalbigaagu shaqadan wuu ka tagay waqti hore, balse kaliya jidhkaaga ayaa
weli jooga: Waxaad soo kacaysaa adiga oo daallan — ma aha shaqo adag
darteed, balse waxa aad iska dhigaysaa inaad danaynayso wax aan wax micne wayn kuu
lahayn.
3-
Waxaad
shaqooyin kale codsatay marar badan: Shaqooyinkaas badan ee aad codsatay
waxa aad kala kulantay jawaab la’aan, diidmo, iyo in laguu aamuso. Hadda waad iska joojisay isku daygii.
Rajadii si tartiib ah ayay kaaga dhammaatay, dabadeed hal mar ayay gebi ahaanba
u baxday. Waxaad aqbashay in tani ay tahay shaqadaada caadiga ah.
4-
Ma
haysatid kayd aad ku tiirsanaato, ama sanduuq ama cid aad ku baxsato: Ka
tagista meesha aad joogto waxay kula muuqataa wax aan suurtagal ahayn. Sidaas
darteed waad sii joogaysaa. Waxa aad ku dhex xanniban tahay laba dareen: cabsi
aad ka qabto waxa aan la garanayn, iyo nacayb aad u qabto xaaladda aad hadda ku
jirto.
5-
Maamulahaagu
kuma ixtiraamo: Shaqaalaha kula shaqeeya kuma dhiirrigeliyaan. Shaqaduna kuma siiso caqabad ama
horumar aad maskax ahaan ugu kortid. Waxa aad noqotay qof keliya mushahar qaata, adiga oo dareen ahaan madhan
ama aan nolol fiican ku jirin. Waxa ugu xunna waa inaad aamintid inaadan u qalmin wax ka wanaagsan
shaqadan aad hadda joogtid.
6- Waxaad guriga ku soo noqotaa adigoo aad u
daallan, oo aan awood u hayn inaad qabato wax ka wanaagsan shaqadan aad ku soo
daashay: Shaqadu waxay kaa dhammaysay tamartaada, ka dibna
tamarta yar ee kuu hadhay waxaad ku bixisaa waxyaabo kaa mashquuliya ama kaa
fogaynaya xaqiiqada dhabta ah sida isticmaalka telefoonka, wax cabbid, ama daawashada
TV ga Wareeggaas ayaa mar walba soo noqnoqda oo xaaladdaas ayaad ku jirtaa. Waxa
ad isu beddeshay qof dareen ahaan dunsan oo keliya wax uun cunaya, waqtigana
iska lumiya.
7- Dadku waxa ay ku leeyihiin: ‘Raadi wax
aad jeceshahay’:
Way u fududahay iyaga inay sidaas yidhaahdaan. Laakiin adiga waxaa ku saaran
biilal, korin carruur, iyo masuuliyado kale. Ma awoodid inaad si fudud u raacdo
hammi ama waxa aad jeceshahay uun. Waxa aad u baahan tahay waddo dhab ah oo kaa
saarta xaaladda aad ku sugantahay; ma aha hadallo dhiirrigelin ah oo keliya.
Waxaad u baahan tahay qorshe cad oo tallaabo tallaabo leh.
8-
Xaqiiqada
qadhaadhi waa ‘ ma jiro qof kuu imanaya oo ku badbaadinaya’: Dallacsiintaas aad sugayso iskama iman doonto uun. Shaqada riyadaadu si
fudud gacantaada uguma soo dhacayso. Waa inaad adigu dhisataa jidka aad kaga baxaysid xaaladda aad ku xanniban
tahay, adiga oo weli ku dhex jira shaqadan.
Baro hal xirfad mar. Codsi shaqo dirso.
Marka aad shaqada ka baxdid shaqo qabso oo shaqee. Bilow horumarka naftaada. Hadda bilow.
W/Q: the Dark Mentor 2.0
Turjumaad: Cabdirisaaq Sandheere
May 14, 2026
Comments
Post a Comment