Waxa aad tahay waxa aad aaminsantahay
1-
Ha odhan ‘ Haa’ haddii
aanad ku qanacsanayn oo raalli ku ahayn.
2-
Adigu waxa aad tahay
celcelis dadka aad waqti la qaadatid ee inta badan ag joogtid.
3-
Caafimaadkaaga maalgeli:
Cunto dheellitiran cun, hurdo wanaagsan seexo, jimicso, jidhkaaga ilaali,
timaha iska jar- saamayntaas waxa aad dareemi doontaa marka aad da’ noqotid.
4-
Ku hammi in aad noqotid
qofka ugu fiican 1% hal shay, ama noqo qof waxyaabo badan ku fiican 10%.
5-
Baro sidii aad si
wanaagsan ugu dhisi lahayd fekradahaaga- haddaa xirfaddan baratid dadka waad
saamayni.
6-
Samayso keyd dhaqaale oo
aad isku hallayn kartid si aad fursad ugu heshid in aad khatar u badheedhi kartid
30 jirkaaga iyo 40 jirkaaga.
7-
Ha isku dayin in aad
dadka oo dhan wada farxad gelisid, hana ka werwerin waxa dadka kale kaa
aaminsanyihiin.
8-
Waxa aad sidoo kale la mid noqotaa celceliska
warbaahinta iyo xogaha aad waqtiga ugu badan ku bixisid daawashadooda ama
dhageysigooda.
9-
Naxariistu waa lacagla’aan.
10-
Ha ku mashquulin la
kulanka lataliye markasta haddii ayna wax faa’iido ah kuu lahayn. Taa baddelkeeda
wax baro adigoo qabanaya shaqooyin xiiso leh.
11- Raac jidkaaga iyo
qorshahaaga kuu gaarka ah, iskana dhaaf 99% talooyinka laguu sheegayo, xitaa tan
hadda laguu sheegayo. Wax badan ayaad hore u taqaannay oo ogayd.
W/Q: The Dark Mentor 0.2
Turjumid: Cabdirisaaq Sandheere
31 May, 2026
Comments
Post a Comment