5 ta Tiir ee ay tahay in ninkastaa la noolaado
1-
Ha isku
hallayn hal il dhaqaale oo kaliya: In aad hal meel oo kaliya ka
heshid dhaqaale bishii, toddobaadkii ama maalintii waa khatar wayn, waxa aad
qarka u saarantahay saboolnimo, waayo noloshaadu waxa ay ku tiirsantahay
halkaas il, haddii ishaasi go’do geeddisocodka noloshaadu way istaagaysaa.
Sidaa darteed, ha isku hallayn hal il dhaqaale oo kaliya, samayso dhawr il oo
dhaqaale kaa soo galo maalintii, toddobaadkii ama bishii.
2-
Keydso
lacag ka hor inta aanad waxba kharashgarayn: Dad badan waxa ay wax
keydsadaan marka ay kharashaadka bixiyaan wixii soo hadha, haddaba waxa muhiima
in qofku keydsado marka wax soo galaan, ka dibna kharash gareeyo wixii keydka
ka soo hadha.
3-
Maalgashi
samee inta ayna aanad baddelin habnololeedkaaga: Marka
dakhligaagu kordho, lacagtaada ha ku bixin raaxo iyo kharash badan markiiba;
marka hore maalgashi ku samee wax kuu soo celinaya faa'iido mustaqbalka. Maalgashi samee markasta, ha joojin
maalgashiga.
4-
Baro
xirfad aad loogu baahanyahay oo dakhli ka heshid: Waxa
aad barataa xirfad qaaliya oo dakhli badan ku soo gelinaysa.
5-
Iibso
hanti faa'iido kuu keenta, hana iibsan waxyaabo kugu noqda culays iyo kharash: Marka
aad wax korodhsanayso soo kordhi wax naftaada faa’ido u ah. Se ha soo kordhin
wax khasaare kugu keenaya.
Source:
Mastering Manhood
Diyaarin:
Cabdirisaaq Sandheere
25
Juun, 2026
Comments
Post a Comment