Maxay dad badan shiid u yihiin?
-
Waayo waxa ay iska
dhigaan dadka hantiilayaal u eeg oo waxa ay isku dayaan inay bulshada u
muujiyaan inay hodanyihiin, oo muuqaalkooda iyo noloshooda ayay kallifaan oo ka
badbadiyaan, sababta ay sidaa u samaynayaana waa inay dadka istusaan oo
bulshada ka yaabsadaan.
-
Dadka shiidka ahi waxa
ay iska ilaaliyaan ama iskaba daayaan inay bartaan xirfad cusub.
-
Dadka shiidka ahi waxa
ay ka cabsadaan inay khatar galaan oo khatar u badheedhaan.
-
Dadka shiidka ahi waxa
ay rabaan inay si degdega oo bilaa hawla lacag ku helaan- iyaga oo aan u
dhididin, watqina gelin.
-
Dadka shiidka ahi si
degdega ayay isku dhiibaan, oo haddii ay wax bilaabaan markaaba way joojiyaan.
-
Dadka shiidka ahi waxa
ay ka cawdaan duruufaha iyo nolosha, waa dad cabasho badan.
-
Dadka shiidka ahi waxa
ay iska indhatiraan ama ay dayacaan fursadaha yimaadda, fursadda timaadda kama
faa’idaystaane way isdhaafiyaan.
-
Dadka shiidka ahi ma
maalgeliyaan naftooda.
Diyaarin: Cabdirisaaq Sandheere
11 Juun, 2026
Comments
Post a Comment