Cidkasta waxbaa ka maqan
Dunidu waa sagaal oo ma
tobnawdo, bal inyar ila eeg tusaalayaashan:
-
Dadka saboolka ahi waxa
ay u baahanyihiin oo raadinayaan lacag.
-
Dadka hantiilayaasha ah
waxa ka maqan o ay rabaan degganaan iyo xasilloohi.
-
Dadka yaryari waxa ay u
rabaan inay koraan oo waynaadaan.
-
Halka dadka waawayni ay doonayaan
inay mar labaad ku noqdaan yaraantoodii.
-
Dadka guursaday waxa ay
rabaan inay xorriyad helaan, oo waxa ay danaynayaan xorriyadii kelinnimada.
-
Dadka kelida ah ee aan
weli guursan waxa ay rabaan inay helaan jaceyl.
-
Dadka niyadjabay waxa ay
rabaan inay soo kabtaan oo xanuunkii iyo niyadjabkii ka soo kabtaan.
Xaqiiqadu waa in qofkasta wax ka maqanyihiin. Ku qanacsanow
waxa aad haysatid.
Cabdirisaaq Sandheere
30 Julaay, 2026

Comments
Post a Comment