Waxyaabo ay waajibtahay In aad ku dhaqanto:

 



-         Hadalka yaree: Dhaawaca ugu badan ee ku soo gaadha afkaaga ayaa kuu sababaya.

-         Kelidaa faraxsanow: Haddii aad farxaddaada cid ku xidhid la’aanteedna aanad farxi karin marka horaba daciif baad ahayd.

-         Kelidaa la daalaadhac hawlahaaga: Qofna uma baahna inuu ogaado halgankaaga iyo hawlahaaga.

-         Ha ku ciyaarin meesha aad dakhliga ka heshid: Qofka shiidka ah cidna ma jecla.

-         Sir yeelo: Inaad si xad-dhaaf ah u wadaagto arrimahaaga gaarka ah waxay noqon kartaa inaad naftaada waxyeellaynayso ama caqabad kugu keento.

-         Xasilloonidaada ilaali: Baro in aad socotid oo hawlahaaga ku fooftid adiga oo aan sharraxaad ka bixin ama faahfaahin.

-         Cadhadaada maamul: Hal mar oo aad cadhootid ayay waxbadan kaaga xumaan karaan.

-         Jooji in aad iska dhaadhicisid gabadhkasta: Anshax yeelo oo naftaada xaqdhawr.

-         Xuduud yeelo: Qofkastaa uma qalmo inuu ku helo oo waqtigaaga iyo tamartaadu maaha timir xabaal taalla.

 

Comments

Popular posts from this blog

Xirfadaha kaa dhigi kara hantiile inta aanad gaadhin da’da 30 jirka

Noqo Qof Anshax leh ( 18 Xeer)

Maalin Taariikhiya 26 Dec. 2025: Ictiraafka Jamhuuriyadda Somaliland