CUFKA SHINBIRAHA

                              

    CUFKA SHINBIRAHA

Sheygaa Shimbirtu ku fadhido waxaa la yidhaa Buul amma Cuf. Waxaanna ay ka sameysaa cawska, gargoorka, daaqa iyo wixii dhulka ka baxa.
Inta badan waxa ay samaysaa, guga marka uu roobku da'o ee dhirta iyo geeduhu is gaadhaan.
Buulkani, waxa ay shinbirtu maalintii ku aamintaa oo dhigtaa "Ugxanteeda".
Waxaynna Buulka ku samaysaa geedaha dusheeda gaar ahaan waliba laamaha. Wuxuunna leeyahay hal afaaf ama kadin (Albaab) oo Shimbirtu ka soo gasho kana baxdo.
Haddaad aragto waad ku farxasaa oo jiiqjiiqda Shimbiraha iyo codkooda ayaad ku nafisasaa! Inta badanna shinbiruhu way isku ag samaystaan buulka.
Marka jiilaalka la gaasho way ka guurtaa oo way digarogataa, cufkuna wuu qallalaa maadaama uu caws ka samaysnaa!


W/Q: Cabdirasaaq Sandheere

Comments

Popular posts from this blog

Gorfeynta Buugga “ A Woman of Firsts ~ Marwadii koowaad” oo Dr Edna Aadan qortay

Markaad wax akhirid maxaa dhacaya?

Milicsigayga Sannadkan 2024 ( My Annual Review In 2024)