Sheeko Cashir laga baran karo

“ Kal saddexaad 2018kii bilowgeedii ayuu aabbahay iisoo bandhigay inaan

guursado odey Qurbaha jooga. Waqtigaas waxa aan ahaa 19 sano jir.

Markaas uun baan Jaamacadda galayay. Arrintaas la iisoo bandhigay waan

ka gaabsaday, kumana qancin. Se waalidkii ayaa igu qalqaalliyay oo igu

qasbay. Ma jeclayn inaan guursado nin wayn, se waalidka ayaa igu qasbay.

Anna tii waalidka ayaan qaatay, aniga oo istusinaya in duco waalid aan

qaatay.

Odeygii Qurbajoogga ahaa ayaa la ii meheriyay. Dalka ayuu yimid, oo

waannu aqalgalnay. Markii uu laba bilood joogay ayuu iska laabtay, oo

Qurbihii tagay. Ka sokow, inaan guursaday nin iga wayn, wuu I

dhibaateeyay oo iima wacnayn. Wuu ila diriri jiray isaga oo iga maqan,

erayo aanan geyin ayuu igu odhan jiray. Wuu I yasi jiray.

Aniga oo noloshaas ku jira, odeygiina uu debadaha iskaga m

Aniga oo noloshaas ku jira, odeygiina uu debadaha iskaga maqanyahay, oo

aanu ii iman ayuu Aabbahay geeriyooday. Waannu aasnay Allah ha u

naxariisto. Muddo ka dib uur ayaan yeeshay. Ilmo ayaa noo dhashay. Waan

farxay. Ninkii aad iilama soo hadlo, oo xaaladda warbadan kama hayo.

Waan u sheegay inaan ummulay. Wax ixtiraam ah iyo danayn midna ma

siin xaaladdayda. Aniga oo waca mooyee isagu ima soo wici jirin. Biil iyo

waxna iima soo diri jirin. Aniga ayaa ilmaha la silci jiray!

Mar haddii aabbahaygii I siiyay geeriyooday oo adduunka ka tagay ninkii

wuxu bilaabay inuu siduu doono ii galo! Hadalkii ayuu iga goostay, oo

wiciddii aan anigu wacayay wuu iga qaban waayay, isagu waa hore ayuu

wicidda iga daayaye!

Dhawr bilood ka hor dhaway ayuu soo hadlay, markaas ayuu iisoo sheegay ‘

Inuu I furay!’ Arrintaas waran la igu dhuftay ayay igu noqotay! Muddo

badan ayaan fekerayay oo xaalad miyirla’aan ah ku jiray! “ Ma odeygii

shalay la I siiyay ayaa maanta markaan ilma dhalay I furaya?! Haddii aannu

isii qabayn oo guur aannu rabin muxuu ii guursanaya? Ma markii

Aabbahay dhintay ayuu I furayaa?! Toloow, immika carman ayaan noqdee

maxaan sameeyaa?” iyo boqollaal wayddiimood oo kale ayaa maskaxdaydii

daaliyay.

aqanyahay, oo aanu ii iman ayuu Aabbahay geeriyooday. Waannu aasnay

Allah ha u naxariisto. Muddo ka dib uur ayaan yeeshay. Ilmo ayaa noo

dhashay. Waan farxay. Ninkii aad iilama soo hadlo, oo xaaladda warbadan

kama hayo. Waan u sheegay inaan ummulay. Wax ixtiraam ah iyo danayn

midna ma siin xaaladdayda. Aniga oo waca mooyee isagu ima soo wici jirin.

Biil iyo waxna iima soo diri jirin. Aniga ayaa ilmaha la silci jiray!

Mar haddii aabbahaygii I siiyay geeriyooday oo adduunka ka tagay ninkii

wuxu bilaabay inuu siduu doono ii galo! Hadalkii ayuu iga goostay, oo

wiciddii aan anigu wacayay wuu iga qaban waayay, isagu waa hore ayuu

wicidda iga daayaye!

Dhawr bilood ka hor dhaway ayuu soo hadlay, markaas ayuu iisoo sheegay ‘

Inuu I furay!’ Arrintaas waran la igu dhuftay ayay igu noqotay! Muddo

badan ayaan fekerayay oo xaalad miyirla’aan ah ku jiray! “ Ma odeygii

shalay la I siiyay ayaa maanta markaan ilma dhalay I furaya?! Haddii aannu

isii qabayn oo guur aannu rabin muxuu ii guursanaya? Ma markii

Aabbahay dhintay ayuu I furayaa?! Toloow, immika carman ayaan noqdee

maxaan sameeyaa?” iyo boqollaal wayddiimood oo kale ayaa maskaxdaydii

daaliyay.

Aniga oo gabadh yar ayuu I guursaday. Ilma ayaannu wada dhalnay.

Markaas ayuu aayar iska kay furay! Maxaan gaystay ee sidaa la iigu

galayaa? Ma wax aan galabsaday baa?

Ma wayni oo hadda waxa aan ahay 21 jir. Mar labaad waan guursan karaa.

Se arrinta kale ee jirtaa waxa ay tahay marka aan qofka la haasaawo, ee

muddo sheekaysanno marka aan runta u sheego ee idhaa ‘ Ilmo ayaan

haystaa’ wuu iga dhaqaaqayaa! Wuxuu ii sheegayaa inuuna rabin gabadh

ilma dhashay! Toloow maxaa sidan la iigu galayaa?!

Kii hore wuu iga tagay, kuwa danbana way I takoorayaan oo ‘ Gabadh ilmo

dhashay ma guursanno ayay leeyihiin?’ Dhaqankan halkuu ka yimid!

Gabadh da’ yar oo 21 jir ayaan ahay! Waxan oo dhibaato ahi meel igaga

socoto ma garan karo. Dhaqankan sidaa noo galay ha dhaco, haa dhaci!...”

Gabadh ayaa ila wadaagtay sheekada. Iyada ayaa iga codsatay inaan qoraal

u baddelo, aanan faafiyo oo bulshada la wadaago, si wacyigelin u noqoto.

***

Dhawr talo ayaan walaashay anigu halkan u marinayaa:

Walaal, waxa kugu dhacay waan ka xumahay. Culayskasta fudayd ayaa ka

danbeeyay, guuldarakastana guul baa ka danbaysa. Adiga kelidaa maaha

dadka imtixaanka adduunyadu culays iyo niyadjabka ku dhaliyay. Way

dhacdaa. Waana daf. Kumannaan ayaa xaaladdaada iyo mid la mid ah ba

ku jira. Kugu keli maaha, taas ogsoonoow horta.

Haddaad mar guursatay, oo HAL MAR calafkii kaa xumaaday, adduunyadii

iyo guurkii kaama dhammaan, weli waad u da’yartahay. Qofka hal, laba iyo

saddexba calafku wuu ka xumaadaa. Mid ka wanaagsan, kugu habboon oo

kii ku dejin lahaa waad helaysaa.

Adigu danbiile ma tihid. Danbiga waa lagaa galay, adiguna sababtiisa ma

lihid. Waxa nabsiga ku noqon doonaa, kii kugu ciyaaray. Guushana adigaa

ku dambayn doona. Dhaqannada xun ee dadka kaaga yimaaddaa waa kuwo

inta caqkiga leh oo dhani isla qirsantahay inay gurracanyihiin. Dhaqanku

dumarka Soomaaliyeed oo dhan ayuu xadhko ku xidhxidhay, oo intuu

boogeeyay ceeb gaar ah u sameeyay. Dhaqankaasi ayaa godob kale kaa sii

galaya, oo ninka dhiggaada ah ee guur soo maray u saamaxaya inuu gabadh

gashaanti ah guursado. Caqliyaddii dhaqankaasi beeray ayaa adiga iyo

gabadhkasta oo Soomaaliyeed takooray. Waxa aan se kuugu

bishaaraynayaa inaad ka guuleysanaysid.

Adduunyadu hal mar ma aha, way isbedbeddeshaa, oo fursado

badantahay. Waxyar samir. Laba nin ayaa labada farood iska qaniinay,

tartan ayay galayeen. Midba ka kale fartiisa ayuu aad u qaniinay. Waxa la

tijaabinayay ka u adkeysta qaniinyada, iyo sida ay u kala adkaysi

badanyihiin, iyo ka hor xanuunsada. Waxyar oo kooban sidii isku

qaniinsanaayeen. Mid baa yidhi: ‘ Aar isii daa, waan xanuunsadee.” Wuu sii

daayay, oo saaxiibkii ayaa yidhi: “ Haddii aad inyar u kaadin lahayd anigaa

ayaa isii daa ku odhan, se hadda waadigaa adigu iga hor xanuunsaday,

waanan kaa badiyay.” Ninkii qaniinyada u yar adkaystay ayaa guuleystay.

Walaal, inyar sii samir, oo niyada wanaaji.

Ugu danbayn Allihii ku abuurtay, ee jiray wuu joogaa, sida ay wax u

dhaceen wuu la socdaa. Faraj khayrqaba inuu kuu furo ayaan ku

rejowaynahay.

FG: Sheekadu waa dhab. Inaan faafiyana waxa codsaday qofka ay ku

dhacday. Anna si aan u dhawro in la aqoonsado qofka, qaab macquula

ayaan u qoray. Wixii talo ee aad hayso ku darso, se marnaba ha I odhan ‘

maxaad si hoose ugu sheegi wayday? Maxaad u faafisay IWM.”

Cabdirisaaq Sandheere, 2018

Comments

Popular posts from this blog

Gorfeynta Buugga “ A Woman of Firsts ~ Marwadii koowaad” oo Dr Edna Aadan qortay

Markaad wax akhirid maxaa dhacaya?

Milicsigayga Sannadkan 2024 ( My Annual Review In 2024)