12 Xaqiiqo ee ay tahay in qofkastaa aqbalo
1- Jooji naftaadan aad dadka kale barbardhigayso: Isbarbardhiggu waa dabin, Baraha bulshada iyo dadka
xaasidiinta ahi keliya waxa ay kaa xadayaan farxaddaada iyo meeshii aad ku
fooganayd. Safarkaagu waa jaadgooni, keliya naftaada isbarbardhig tagtadeedii
iyo hadda, se cid kale ha isbarbardhigin.
2- Maalgelinta naftaadu maaha nacasnimo: Koritaankaga cidkasta oo kuu dhaw way ka faa’idaysaa.
Waxbarashada, tababbarrada, iyo kobcinta xirfadahaagu maaha dayacaad, balse waa
u diyaargarawga nolol wanaagsan.
3- Culaysyada shucuureed qofka way burburiyaan in ka badan
culaysyada dhaqaalaha: Culaysyada, werwerka
iyo qoomamadu iyagaa ka daran culaysyada dhaqaalaha. Maskaxdaada nadiifi,
cafiska iyo isku noqoshada naftu waa waxyaabaha ugu muhiimsan.
4- Fekerku markaad dhimato macne malaha: Markaad dhimatid qofna xasuusan maayo waxaad ka fekeraysay.
Waxyaabaha debadda kaaga imanayaa yayna saamayn dookhaaga iyo doonistaada.
5- Muhiimaddu waa waxa aad hadda haysatid uun: Tagtadii way tagtay, mustaqbalkuna maaha wax la hubo oo
hubanti ah. In aad labadaba ka werwertid waxa ay kaa xadaysaa tamartaada.
Diiradda saar waxyaabaha aad hadda qaban kartid.
6- Noloshu ma tixgeliso cudurdaarkaaga: Ma jiro qof ku amaahinaya dabacsanaan marka aad ku jirto
nolol adag. Qaad masuuliyaddaada, oo jooji cabashada. Adigu waxa aad tahay
qorsheeyaha sheekadaada/ taariikhdaada, ku qor ficil iyo hawlgal.
7- Qofkasta ma farxad gelin kartid: In aad isku daydid in aad qofkasta raalligelisid waxa ay keenaysaa
degganaan la’aan nafsadeed. Xuduud yeelo, kuna shaqee qiyamkaaga. Cidda kuu
muhiimka ahi way ku tixgelin doontaa, kuwa kalana waxba kaama gelin.
8- Xidhiidhadu waa muhiim:
Lacagta badan iyo guuluhu kuuma baddeli karaan xidhiidhada wanaagsan. Maalgeli
xidhiidhadaada, si daacadnimo leh ula xidhiidh, naftaadana ka ag dhawee dadka
ku taageera.
9- Yool ficil la’aan ahi waa
hal bacaad lagu lisay: Riyooyinku haddii aan la fulin macne malaha. Jooji
qorshahan aan dhammaadka lahayn, oo shaqada bilow. Tallaabo yar oo aad qaadid
ba waxa ay muddo ka dib keenaysaa natiijo wayn.
10- Waqtigu waa hantidaada ugu qaalisan: Lacagtu markay dhammaato dib waa loo heli karaa. Waqtiga
dib looma soo celin karo. Noloshaada ka warhay, kana takhallus waxyaabaha ku
dhabqinaya ee jidkaaga kaa leexinaya. Saacado ku lumi waxa hore kuu wadaya.
11- Waxqabadku wuxuu muujiyaa
in ka badan erayada: Ballanqaadyada, fekradaha iyo dareennadu waa waxba kama
jiraan haddii aan ficil laga dhigin. Naftaada masuul ka ahoow, Noqo qof ay
erayadiisa iyo ficilkiisuba cadyihiin.
12- Farxad toos ha u raadin: In aad farxad badan raadisaa waxa ay keentaa werwer iyo isku buuq. Adigu waxa aad diiradda saartaa koritaankaaga, tababbarka naftaada/anshaxa, ujeeddooyinkaaga, iyo waxsoosaarkaaga. Farxaddu waxa ay ka imanaysaa waxsoosaarakaaga iyo waxqabadkaaga.
W/Q:
Brotherhood
Turjumid:
Cabdirisaaq Sandheere
13
Nov. 2025
Comments
Post a Comment