Ma xanbaarsana shandad keliya, balse wuxuu sida riyooyin dahabka ka culus

 


Ma xanbaarsana shandad keliya, balse wuxuu sida riyooyin dahabka ka culus. Halka dadka qaarkood ka cawdaan waxyaabo yaryar, kuwa kale waxa ay u dagaallamayaan inay wuxuun bartaan.


Tani maaha saboolnimo, balse waa rejo iyo halgan. Tigxeli ilma kasta o rumaysan in waxbarashadu baddeli karto geeddisocodka noloshiisa.

Tani waa qeexidda dhabta ah eek a go’naanta.


Waxa aynu xusi 15 cashir oo laga baran karo sawirkan:

1-     Waxa jirta diirad saarid ( Focus) ayna lacagi goynin.

2-   Ha ku qoslin qof kale bilowgiisa.

3-   Sheeko kasta oo wayni waxa ay ku bilaabantaa adayg.

4-   Ma tihid shiide waxa aad tahay caajislow.

5-    Waxbarashadu waa hubka ugu culus, xataa hadddi uu qofku boorso Balaastig ah xanbaarsanyahay.

6-   Sawirku wuxuu muujinayaa sida ay tahay qofku markuu u gaajo qabo inuu waxbarto, ma faakihaysanayo, balse wuxuu leeyahay ujeeddo cad.

7-    Halka carruurta qaar ka cabanayaan WiFi, carruurta kale waxa ay jidkasta u marayaan sidii ay u heli lahaayeen waxbarasho.

8-   Saboolnimadu maaha dhibaato, dhibaatadu waxa weeyi in qofku isdhiibo.

9-   Madaxwaynaha mustaqbalku waxa laga yaabaa inuu fasalkaas fadhiyo.

10-                       Sawirkan xasuuso marka danbe ee aad tidhaahdid ‘ ma awoodo.’

11- Xanuunka aad hadda dareemaysid waa awooddaada iyo aayahaaga berri.

12-                       Tani waa mid ka mid ah waxyaabaha aad ugu mahadnaqaysid waxyaabaha aad haysatid.

13-                       Muhiim maaha meesha aad ka soo bilowday, waxa muhiima meesha aad u socotid.

14-                       Safarkasta oo dheeri wuxuu ka bilaabmaa hal talaabo.

15-                        Maaha sabool, balse weli wuxuu ku jiraa bilowgii ugu horreeyay ee geeddisocodkiisii nolosha.

 

W/Q: Motion Mindset

Turjumid: Cabdirisaaq Sandheere

16 Nov. 2025

Comments

Popular posts from this blog

Gorfeynta Buugga “ A Woman of Firsts ~ Marwadii koowaad” oo Dr Edna Aadan qortay

Markaad wax akhirid maxaa dhacaya?

Milicsigayga Sannadkan 2024 ( My Annual Review In 2024)