Sideed Xanuunka iyo dhibaatooyinka ku soo waajaha uga dhigi kartaa Shidaal hore kuu wada?
Qoraalkan
laba jeer akhri- waxa laga yaabaa inuu noloshaada baddelee
Qofkasta
dhibaatooyinka iyo xanuunku way soo wajahaan, balse inyar ayaa ka faa’idaysata
oo aan oggolaan in ay baabbi’iyaan.Waxa aad fahantaa in xanuunku yahay
macalinka ugu daacadsan ee nolosha. Dhibaatadu waxa ay kaa khalkhalinaysaa
aagaagii raaxada, waxayna soo saaraysaa daciifnimadaada, waxayna kugu qasbaysaa
in aad burburtid. Raggu intooda badan way ka dhuuntaan dhibaatooyinka, balse ragga
geed adayga ah ayaa xanuunka u baddela tamar.
Haddaba, haddii aad
dareemaysid niyadjab, dibudhac ama guuldarro qaad tallaabooyinkan:
1-
Xanuunku
waa barbilowga awoodda
Qofkasta oo meeqaam lihi waxa dhisay duruufo uu ku sigtay
inay burburiyaan.
Gym-tu keliya ma dhisto murqaha uun, balse sidoo kale waxay
yaraysaa xanuunka.
Marka aad dhaawacantid ha iswayddiin ‘ Maxaan u dhaawacmay?’
Se iswayddii ‘Maxaan ka baran karaa?’
2-Cadhada
ficil u baddel
Waxa aan cabashada joojiyay maalintii aan ogaaday in qofna
inta uu ii yimaad aanu I badbaadinayn oo duruufaha nolosha igala dabbaalanayn.
Marka noloshu ku harraatido, halka ay kugu harraatiday ha ku
sii mashquulin, waqtina ha iskaga lumin cudurdaar.
Diidmo kasta oo lagugu sameeyo, qalbijabkasta oo ku soo
gaadha iyo guuldarro kasta oo aad la kulanti ha ku noqdaan shidaal aad u
isticmaashid yoolkaaga.
3-Xanuunku
waa falcelin, maaha guuldarro
Marka aad dhibaato dareentid xanuunkaasi wuxuu muujinayaa
waxa aad u baahantahay in aad kobcisid ama waxa kaa dhiman ee korodhka u
baahan.
Xanuunku wuxuu ku leeyahay ‘ Weli waad nooshahay, hore usoco.’
Guulaystayaashu kama cararaan/ordaan dhibaatoyinka, balse
waxa ay u akhriyaan sida khariidada.
4-
Xanuunka u adeegso in aad ku dhistid anshax (Discipline )
Naso marka aad daashid, marka aad seexanaysid saacadda ku
buuxso in aad kacdid 5 subaxnimo
Anshaxu waa habka qofku kaga doorto wax gaaban oo aan hore u
baabba’aya shay waaraya oo mustaqbalka anfaca.
5- Dhayidda
dhaawacu hore ha kuu waddo
Dhayidda dhaawacu waxa ay sheegtaa in aad ka soo kabatay.
Xanuunku wuu dhammaanayaa, balse waxa aad adigu dhistid ayaa
weligii jiraya.
Ha iska rejayn nolol fudud, rajee dadaalka waxa aad
samaysid.
W/Q:
The Stoic
Ascent
Turjumid: Cabdirisaaq
Sandheere
Comments
Post a Comment