Furayaasha farxadda
-
Haddii aad caafimaad
doonaysid SOONKA badi.
-
Haddii aad rabtid in
wejigaagu iftiimo Salaatu Laylka tuko.
-
Haddii aad degganaan
doonaysid, Akhri Quraanka.
-
Haddii aad badhaadhe iyo
farxad doonaysid Salaadaha Waqtigooga TUKO.
-
Haddii aad doonaysid faraj
iyo in Alle meel kuu furo joogtee Istiqfaarta.
-
Haddii aad doonaysid in
murugada iyo culaysku ku dhaafo joogtee Ducada.
-
Haddii aad rabtid in
dhibaatadu kaa tagto ama ku dhaafto waxa aad tidhaahdaa ‘ Laa Xawla Walaa
Quwata illaa Billaah.’
-
Haddii aad doonaysid barako
iyo badnaan badi Salliga NEBIGA SCW.
Sookoobid: Cabdirisaaq
Sandheere
Comments
Post a Comment