Ka faa’idayso sannadka cusub 2026



Hordhac

Waxa innoo bilaabmay sannad cusub. Waa waqti cusub iyo waayo cusub oo u baahan in laga faa’idaysto, waxna qofku iska wayddiiyo sidii uu fursaddaas cusub uga faa’idaysan lahaa.

Waxa jira dad badan oo aan gaadhin sannadkan, way kula joogeen sannadkii hore ee 2025ka, balse maanta ma noola oo way innaga hooseeyaan, wayna dhinteen. Fursad wayn ayaad haysataa oo aad dadkaas kaga duwantahay, waana in aad nooshahay.

Waxa jira dad badan sariir saaran ama dhakhtar ku jira, dadkaas oo aan awoodin in ay kacaan ama wax qabsadaan. Adigu in aad caafimaad qabtid oo aad socotid waa fursad aad haysatid iyo jaanis wayn.

Waxa jira dad xabsi iyo jeel ku jira oo aan albaabka dhaafi karin, dadkaasi oo aan haysan xorriyad iyo madaxbannaani midna. Balse, taa cagsigeeda adigu waxa aad haysataa xorriyad iyo madaxbannaani dhammaystiran oo ma jirto cid ku haysata ama kuu diidaysa in aad hawlahaaga qabsatid.

Sideed uga faa’idaysanaysaa?

Maadaama aad sannadkan nolol dhammaystiran ku gaadhay, dhakhtarna aanad ku jirin, xorriyad iyo madaxbannaanina aad haysatid waa muhiim in aad ka faa’idaysatid. Waxyaabahan kaga faa’idayso:

1-Cibaadada Alle: Waxa aad isku daydaa in aad sannadkan xoojisid cibaadada Alle. Haddii aad hore ugu fiicnayd cibaadada hanbalyo, haddii kalana sii xooji sannadkan.

2- Waxkorodhsi: Sannadkan waxa aad isku daydaa in aad wax korodhsatid oo halkii sannadkii hore aad joogtay hore uga socotid aqoon ahaan.

3- Xidhiidh caafimaad qaba: Waa in aad bulshada iyo cidda kuu dhaw la yeelatid xidhiidh caafimaad qaba oo aan sun ahayn.

4- Xirfado: Sannadkan isku day in aad xirfado cusub baratid.

5- Wax kaydso: Waxa aad qorshaha ku darsataa in aad wax keydsatid.

6- Waqtigaaga maaree: Waqtigu waa hanti, sidaas darted ka faa’idayso.

 

Gebagebo

Dhawrkaas qodob ayaan idinka jeclaaday inaan naftayda iyo nafahiinnaba la wadaago. Waxa innoo ballana inaan ku dhaqanno, meel ku qoranno oo xafidno. Maalinta sannadkaasi dhammaado, maalintaas maalinteeda ayaynu sheekaysan INTII nool, insha Allah. Haddaad awoodo waxaan jeclaan lahaa in aad saaxiibkaa/saaxiibbaddaa, walaalkaa, walaashaa, waalidkaa ama ciddii kale eed jeceshahay la wadaagtid dhawrkan qodob, u dir ama cod ahaan ba ugu duub.

 

W/Q: Cabdirisaaq Sandheere

01-01-2026

 

 


Comments

Popular posts from this blog

Gorfeynta Buugga “ A Woman of Firsts ~ Marwadii koowaad” oo Dr Edna Aadan qortay

Markaad wax akhirid maxaa dhacaya?

Faallada buuga ‘ Ragga oo kaliya’