15 xaqiiqo oo muhiima oo ku saabsan cilmi nafsiga iyo nolosha
1-
Dadku intooda badan ma daneeyaan
dhibaatooyinkaaga, waayo waxa ay ku mashquulsanyihiin dhibaatooyinka iyaga
haysta oo qofkasta dhibaatadiisa ayuu la tacaalayaa.
2-
Diidmadu qofka way xanuujisaa, balse inta badan
waxay qofka ka ilaalisaa inuu jid qaldan raaco.
3- Anshax / nidaam joogta ah ayaa had iyo jeer ka xoog badan
dhiirrigelin ku meelgaadh ah.
4-
Kalinimada ayaa ka wanaagsan saaxiibtinimada
beenta ah.
5- Dadku waxay xasuustaan sida aad u dareentay ee
dareenkooda ula falgashay, balse ma xasuustaan hadallada aad tidhi.
6- Maskaxdaadu
waxay rumaysataa sheekada aad marar badan ku celceliso, sidaas darteed si
taxaddar leh u dooro fekerradaada.
7-
Isbarbardhiggu waa dilaaga farxadda.
8-
Qofkasta oo kuu dhoollacaddeeyaa maaha
saaxiibkaa.
9-
Horumarka
waxa lagu dareemaa raaxo-darro, sababtoo ah qofku wuxuu rabaa inuu sida uu
yahay iska ahaado.
10-
Waxaad ka cararto ayaa caqabad kugu noqda in ka
badan inta ay caqabadi kaaga timaaddo waxyabaha aad waajahdid ama qabatid.
11- Lacagtu ma hagaajin karto dabeecaddaada liidata.
12-
Riiqda nafsadeed (Trauma) way kula socotaa oo
dhammaan qaybaha jidhkaaga ayay saamaysaa haddii aanad la tacaalin oo aanad
maarayn.
13-
Aamusnaantu had iyo jeer iyadaa ka awood badan
jawaabta.
14-
Lacagtu waa hantida dhabta ah ee aad maalinkasta
adeegsatid.
15-
Maalin uun, waxa aad shallayn doontaa inaad hore
u bilaabi wayday.
W/Q:
Brotherhood Empire.
Turjumid:
Cabdirisaaq Sandheere
11
Febr. 2026
Comments
Post a Comment