Inta aanad gaadhin 30 jir waa in aad ogaataa arrimahan:

 


1-     Ma jiro qof inta uu meesha aad joogtid kuugu yimaad ku badbaadinaya oo barwaaqo iyo raaxo ku gelinaya.

2-   Dhiirrigelintu waa dhalanteed, halka anshaxu ( Descpline) ku yahay xaqiiq: Dhiirrigelinta waxa la arkaa marka noloshu fududdahaay, anshaxuna wuxuu soo muuqdaa oo la dareemaa marka aad daallantahay, marka aad shiidka tahay, marka aad werwersantahay iyo marka aad niyadjabsantahay. Qofka la qabsaday dhiirrigelintu waa qof bilaa joogtayna, halka qofka anshaxa lihi uu yahay qof aan la loodin karin oo cidna joojin karin.

3-   Caadooyinkaagu waa dhibaatooyinka dhab ahaan ku haysta: Waxa aad samaysaa ficillo isku midmida oo aad ka sugaysid natiijo, tusaale ahaan: habeenkii ayaad xilli danbe seexataa, cunto liidata ayaad cuntaa, wax qorshe ah ma lihid, wax keyd ah na ma lihid, wax layliya ma samaysid. Noloshu maaha kedis, waa natiijo ka dhalata waxyaabaha aad sida maalinlaha ah u samaysid.

4-   Raaxadu way ku burburinaysaa: Ma jiro wax ka xun raaxada oo qofka si qunyar qunyara u burburiyaa. Balwadaha xun sida daawashada muuqaallada liita, cuntooyinka bilaa tayada ah, alkohoolka iyo balwadkasta oo xuni marka hore qofka waxay dareensiisaa raaxo, balse waxa ay keentaa burburin degdega.

5-    Waqtigu wuu degdegayaa markaad dhaaftid da’da 20neeyada: Sannaduhu way socdaan, haddii ay dhayal iyo maalaayacni kaaga lumaan 20 jirkaaga waxa aad ka qoomamayn doontaa 30 jirkaaga. Haddii aad yaraan ku dadaashana mustaqbalka waxa aad heli doontaa xorriyad, kala doorasho iyo degganaan.

6-   Marmarsiiyaha ku heli maysid tixgelin, balse natiijooyinka ayaad ku helaysaa tixgelin: Qofna ku wayddiin maayo sida arrimuhu u adagyihiin, keliya waxa ay eegayaan waxa aad qabatay ama dhistay. Dadka si hoose oo qarsoon wax u qabsada waa la ixtiraamaa, halka dadka kor u qaada ee sharraxa la iska indhatiro.

7-    Xakamaynta naftu waa aasaaska awoodda: Haddii aanad xakamayn karin waxa aad cunaysid, waxa aad daawanaysid, waxa aad kharash garaysid iyo waxa aad odhanaysid ba qof kale ayaa xakamayn doona noloshaada. Xakamee naftaada, lacagtaada iyo dareennadaadaba, haddii kale qof kale ayaa ku xakamayn doona weligaaba.

8-   Qofkasta lama jaanqaadi kartid: Asxaabtaada ku qosla ama diida anshaxu waa kuwo fulay ah oo ka cabsada yeelashada anshax (Descipline). Marka aad ka horumartid ee ka horraysida waxa ay kuu sheegi doonaan in aad isbeddeshay. Taasina waa qiimaha kor u kaca.

9-   Ixtiraamku wuxuu ka yimaadaa karti: Nin ahaan ixtiraam lama dalbado; waa la kasbadaa adigoo muujinaya kalsooni; waana in aad muujisaa adkaysi, iyo degganaansho marka cadaadis jiro. Dadka qaada mas’uuliyadda si wanaagsan, si dabiici ah ayaa loo ixtiraamaa.

10-                       Mas’uuliyaddu waa barta isbeddelka: Maalinta aad joojiso eedayn ee aad qaadato mas’uuliyadda wax walba, waa maalinta noloshaadu is beddesho ee nolosha wajahaysid. Awoodduna waxay ka bilaabantaa halka marmarsiinyadu ku dhammaadaan.

 

W/Q: Mastering Manhood.

Turjumid: Cabdirisaaq Sandheere

 1 Febr. 2026

 

Comments

Popular posts from this blog

Gorfeynta Buugga “ A Woman of Firsts ~ Marwadii koowaad” oo Dr Edna Aadan qortay

Markaad wax akhirid maxaa dhacaya?

Faallada buuga ‘ Ragga oo kaliya’