Sidee dadka qaar u arkaan awoodda iyo dabeecadaha dadka?
Qoraalkan wuxuu
gudbinayaa farriin ku saabsan sida dadka qaarkood u arkaan awoodda iyo dabeecadda
dadka:
-
Qofka macaan ee wanaagsan waxa la isku dayaa in
la adeegsado, oo la isticmaalo, lana iska soo horraysiiyo.
-
Qofka xishoodka badan waa la iska indhatiraa, oo waa
la isdhaafiyaa.
-
Dadka daciifka ah waa lagu tagrifalaa oo
tacaddiyaa.
-
Dadka adag ee aan naxariista badan lahayn waa la
ixtiraamaa oo la qiimeeyaa.
Waxaa ka fiican inaad noqoto YEY uu qof walba ka cabsado,
halkii aad noqon lahayd dameer uu qof walba fuulo.
Noqo
qof adag oo aan si fudud looga faa'iidaysan karin.
W/Q:
Dark Mentor 2.0
Turjumid:
Cabdirisaaq Sandheere

Comments
Post a Comment