Milicsigayga Sannadkan 2025 ( My Annual Review In 2025)
Hordhac
Waxa dhammaanaya sannad, oo waxa lagu jiraa maalmihii ugu
danbeeyay sannadka 2025ka. Waa ila muhiim inaan dib ugu laabto sannadkaas
galbaday. In qofku naf ahaan u xisaabtamo, oo sannadka tagay wax iska
wayddiiyaa waa muhiim. Waliba inuu qofku ogaado wixii u qabsoomay, iyo wixii ka
qabyoobay saamayn wanaagsan ayay mustaqbalkiisa leedahay. In waqti tagay maxaa
qabsoomay iyo maxaa qaldamay la iska wayddiiyaa horumar danbe oo amminta soo
socota ah ayay keentaa. Qofku wixii ka qaldamay sannadka soo socda inuu saxo
ayuu u xadhkaxidhanayaa. Sidoo kale, waxa ay keenaysaa sannadka soo socdana
inuu u diyaargaroobo oo dadaal iyo halgan adag la yimaaddo.
Aniga oo taas ka duulaya, waxa aan rabaa sannadkan dhammaaday ee
2025 ka aan si kooban u sheego waxa aan dheefay, buugta aan akhriyay,
qoraallada aan qoray, waxa aan bartay, turjumaadda aan sameeyay, magaalooyinka
aan u safray IWM.
Akhriska
Akhrisku waa caadadayda. Maalinkasta waxa aan jeclahay inaan wax
akhriyo. Marka laga yimaaddo maqaallada kookooban ee aan baraha Bulshada iyo
Baloogyada ka akhriyo, buug ii furan ayaan wax ka akhriyaa maalin walba.
Sannadkan 2025 akhriska aad ayaan uga gaabiyay, oo sidii sannadihii hore kuma
ahayn, sababtu waxa ay ahayd hawlo iga qabyo ahaa iyo culayso shaqo oo jiray.
Haddana isma dhige waxoogaa waan akhriyay, inta aan akhriyay kuwan ayaa ka mid
ah:
1- Darkii anshaxa, Turjumid Cabdijaliil Muhandis, waxa aan
akhriyay
Jeenari-Febr, 2025.
2- Waa innoo Muqdisho, Turjumid Cabdicasiis Guudcadde, waxa
aan
akhriyay Jeenari-March, 2025.
3- Muu akhriyo Waalidkay, waxa turjumay Maxamed Qaamuus,
waxa
aan akhriyay March 2025. Waxa xusid mudan in aan buuga
marhore
akhriyay.
4- Waxa aan akhriyay buuga ‘ Ragga oo Keliya’ oo uu turjumay
Cabdixakiin Obsiiye, waxaanan akhriyay April, 2025.
5- Waxa aan akhriyay buuga ‘ Dhanbaallada Nebiga’ oo uu
turjumay
Cabdixakiin Obsiiye, waxaanan akhriyay May- Juun, 2025.
6- Waxa aan akhiyay buuga ‘ Ha Waynaanin Aabbe’ oo uu qoray
Aadan
Sahan, waxa aan akhriyay July-Ogosto 2025.
7- Waxa aan akhriyay buuga la yidhaahdo ‘ Duni aan Islaam
Jirin’ waxa
turjumay Cabdimajiid Aw Warfaa, waxa aan akhriyay Juun-
Julay,
2025.
8- Waxa aan akhriyay buuga la yidhaahdo ‘ Bangiyada
Islaamka’ , waxa
qoray Siciid Cali Shire, waxa aan akhriyay Ogosto-Octoobar,
2025.
9- Buuga la yidhaahdo ‘ Gumeystoow lagula Dood’ ayaan
akhriyay
Oktoobar- Noofanbar.
Qoraalladayda
Sannadkan marka akhriska laga yimaaddo qoraalka isbeddel badan
ayaan ka sameeyay. Sannadkan qoraalka guud ahaan aan sameeyay ma badna, se
waxoogaa wuu jiraa, oo qoraallo waan qoray. Waxa aan ka xusi karaa:
1- Sideed uga faa’idaysanaysaa sannadkan cusub
2025ka? Halkan ka akhriso: (https://cabdirisaaqsandheere12.blogspot.com/2025/01/sideed-uga-faaidaysanaysaa-sannadkan.html
).
2- Sidee Shaqo loo helaa? Qoraalka halkan ka
akhriso: (https://cabdirisaaqsandheere12.blogspot.com/2025/01/sidee-shaqo-loo-helaa.html
).
3- Markasta muhiim baa tahay! Qoraalka halkan ka
akhriso: ( https://cabdirisaaqsandheere12.blogspot.com/2025/02/markasta-muhiim-baa-tahay.html
).
4- Maxaan ku soo arkay Diridhaba? ! Qoraalka halkan
ka akhriso: (https://cabdirisaaqsandheere12.blogspot.com/2025/02/maxaan-ku-soo-arkay-diridhaba.html
).
5- Maxaa werwer kugu haya? Qoraalka halkan ka
akhriso: (https://www.blogger.com/blog/post/edit/preview/164808027658618772/8741542212078554871
).
6- Shaqadii iigu horraysay! Qoraalka halkan ka
akhriso: (https://www.blogger.com/blog/post/edit/preview/164808027658618772/7110894095020691404
).
7- Muhiimadda Shaqada. Qoraalka halkan ka akhriso:
(https://www.blogger.com/blog/post/edit/preview/164808027658618772/2606758951795979745
).
8- Noloshaa sidaasa. Qoraalka halkan ka akhriso: (https://www.blogger.com/blog/post/edit/preview/164808027658618772/1715894337120495907
).
9- Maalin Taariikhiya 26 Dec. 2025: Ictiraafka Jamhuuriyadda Somaliland. Qoraalka
halkan ka akhriso: (https://www.blogger.com/blog/post/edit/preview/164808027658618772/2220704463985398606
).
10-
Maxaad ka baratay
sannadkan sii dhammaanaya 2025ka? Qoraalka halkan ka akhriso: ( https://www.blogger.com/blog/post/edit/preview/164808027658618772/3164422903446530394
).
11-
Qorshahaaga sannadkii tagay 2025 maxaa kaaga
hirgalay? Qoraalka halkan ka akhriso: (https://www.blogger.com/blog/post/edit/preview/164808027658618772/557224406577283987
).
Turjumaadda
Qoraalka waxa ii soo raaca turjumaadda maqaallada, buugaagta, iyo
qoraallada aqooneed. Sannadkan dhawr maqaal ayaan turjumay:
1-
Dheelmintii
Nebi Muxammed SCW. Qoraalka halkan ka akhriso: (https://cabdirisaaqsandheere12.blogspot.com/2025/01/maxaynu-cashir-ka-baran-karnaa.html
).
2-
Waa
maxay faa’idada ku jirta akhrinta buugaag badan? Qoraalka halkan ka akhriso: (https://cabdirisaaqsandheere12.blogspot.com/2025/02/waa-maxay-faaidada-ku-jirta-akhrinta.html
).
3-
Imaam
Axmed maalmihii ugu danbeeyay noloshiisa su'aalihii la wayddiiyay... Qoraalka halkan
ka akhriso: (https://cabdirisaaqsandheere12.blogspot.com/2025/03/imaam-axmed-maalmihii-ugu-danbeeyay.html
).
4-
Cali
Binu Abii Daalib oo u caddaalad sameeyay kuray yar oo aabbhii rag dileen oo
dafireen? Sidee u xalliyay? Qoraalka halkan ka akhriso: (https://cabdirisaaqsandheere12.blogspot.com/2025/04/asxaabigii-waynaa-ee-cali-binu-abii.html
).
5-
Muxuu
Alle dumarka uga ilaaliyay Murugada? Qoraalka halkan ka akhriso: ( https://www.blogger.com/blog/post/edit/preview/164808027658618772/4544516105848022362
).
6-
Markaad
wax akhirid maxaa dhacaya? Qoraalka halkan ka akhriso: (https://www.blogger.com/blog/post/edit/preview/164808027658618772/9205364476420684701
).
7-
Maxaynu
ka baran karnaa QISADII NEBI YUUSUF? Qoraalka halkan ka akhriso: (https://www.blogger.com/blog/post/edit/preview/164808027658618772/6874005007497975610
).
8-
Haddaad
rabtid in aad noqotid aqoonyahan... Qoraalka
halkan ka akhriso: (https://www.blogger.com/blog/post/edit/preview/164808027658618772/434338597131992466
).
9-
5
Qodob haddii aad samaysid muddo 3bilood waxaad noqon qof kale Insha Allah. Qoraalka
halkan ka akhriso: (https://www.blogger.com/blog/post/edit/preview/164808027658618772/2281435234804444107
).
10-
Marka
Cabbirku xumaado Waxaa Dayacanta Xuquuqda! (2) Qoraalka halkan ka akhriso: ( https://cabdirisaaqsandheere12.blogspot.com/2025/05/marka-cabbirku-khalkhalo-waxaa.html
).
11-
Xasuus
Habeeneed, W/Q: Sh.
Cabdiraxmaan Bashiir. Qoraalka halkan ka
akhriso: (https://www.blogger.com/blog/post/edit/preview/164808027658618772/3652357402707132117
).
12-
Dhagxintii
Soraya! Qoraalka halkan ka akhriso: (https://www.blogger.com/blog/post/edit/preview/164808027658618772/1612515896783074226
).
13-
Haddii
20yadii ku jirtid... Qoraalka halkan ka akhriso: (https://www.blogger.com/blog/post/edit/preview/164808027658618772/2485846898452812716
).
14-
Faa'idooyin
laga qaadan karo buuga ' Ilme wax Akhriya' ee Dr Cabdikariin Bakaar. Qoraalka halkan
ka akhriso: (https://cabdirisaaqsandheere12.blogspot.com/2025/07/faaidooyin-laga-qaadan-karo-buuga-ilme.html
).
15-Talooyin Muhiima oo Khuseeya Qofka akhriska ku
cusub. Qoraalka halkan ka akhriso: (https://cabdirisaaqsandheere12.blogspot.com/2025/07/faaidooyin-laga-qaadan-karo-buuga-ilme.html
).
16-
Calaamadaha
lagu garto guriga ay ku dhacday ama hayso Isha ama xasadku. Qoraalka halkan ka
akhriso: (https://www.blogger.com/blog/post/edit/preview/164808027658618772/876371215443487607
).
17-
4
ta Marxaladood ee Hodannimadu marto. Qoraalka halkan ka akhriso: (https://cabdirisaaqsandheere12.blogspot.com/2025/07/4-ta-marxaladood-ee-hodannimadu-marto.html
).
18-
Talooyin
ay Waajibtahay gabadh kastaa inay ogaato guurkeeda ka hor. Qoraalka halkan ka
akhriso: (https://www.blogger.com/blog/post/edit/preview/164808027658618772/3976288834186542271
).
19-
U
sheega Hablihiinna Talooyinkan. Qoraalka halkan ka akhriso: (https://www.blogger.com/blog/post/edit/preview/164808027658618772/2554285437150732404
).
20-
4
Talo ee ay tahay in aad iska indhatirtid. Qoraalka halkan ka akhriso: (https://www.blogger.com/blog/post/edit/preview/164808027658618772/7991683887284658517
).
21-
Sideed
Dhaqaale ahaan u kori kartaa? Qoraalka halkan ka akhriso: (https://www.blogger.com/blog/post/edit/preview/164808027658618772/2712120409113848057
).
22-
5
Qodob ee Wiilka ka dhiga NIN. Qoraalka halkan ka akhriso: (https://www.blogger.com/blog/post/edit/preview/164808027658618772/7018625856384493799
).
23-
Sideed
Xanuunka iyo dhibaatooyinka ku soo waajaha uga dhigi kartaa Shidaal hore kuu
wada? Qoraalka halkan ka akhriso: (https://www.blogger.com/blog/post/edit/preview/164808027658618772/5468575493156691930
).
24-
12
Xaqiiqo ee ay tahay in qofkastaa aqbalo. Qoraalka halkan ka akhriso: (https://www.blogger.com/blog/post/edit/preview/164808027658618772/1966039194450431960
).
25-
Ma
xanbaarsana shandad keliya, balse wuxuu sida riyooyin dahabka ka culus. Qoraalka
halkan ka akhriso: (https://www.blogger.com/blog/post/edit/preview/164808027658618772/7606735867793095078
).
26-
10ka
xeer ee Ixtiraamk Naftaada. Qoraalka halkan ka akhriso: (https://www.blogger.com/blog/post/edit/preview/164808027658618772/1506608231608210334
).
Turjumadda Buugta
Sannadkan 2025ka wuxuu Alle wayne qaddaray inaan dhammeeyo turjumaadda iyo tifaftirka buuga ‘ Xeerarka Hodantinnimada’ oo aan sannadkii 2022kii turjumaaddiisa bilaabay. Wuxuu ahaa buug muhiimad wayn u leh bulshada. Allaha wayn ayaa qaddaray inaan dib ugu noqdo oo gacan culus u qaado buugan sannadkan, isla markaana tifaftiro oo dhammeeyo, ugu danbayna daabaco oo bulshada gaadhsiiyo.
Gorfeynta Buugaagta
#Xogkorodhsi
Buugaagta aan akhriyo in aan gorfeeyo oo waxa ay ka hadlayaan wax
iska wayddiiyo muhiim baan u arkay. Sannadkii 2018kii ayaan arrintaas bilaabay.
Sannadkii ku xigay ee 2019 inaan sii horumariyo ayaan qorshaystay. Markii hore
maqaal ahaan ayaan ku so gudbin jiray, se waxa aan is idhi ‘ malaha waxa ka sii
fiican inaad muuqaalna ku dartid soo dartid.’ Ugu danbayn waxa aan
ku qancay inaan bilaabo sidii aan dadka ula wadaagi lahaa buugta aan akhriyo oo
maqaal iyo muuqaal ba ah. Dhammaadkii sannadki 2019kii ayaan bilaabay.
Saddexdii sano ee u danbeeyay Barnaamijka waan waday, waxaanan guud ahaan
afartaas sano soo gudbiyay faallaynta 83 buug. Tacab badan oo hanti, waqti, iyo
dadaal ba leh ayaa iga gala SOOGUDBINTA faallooyinka buugaagta. Wax dan ah oo
shakhsi ah oo aan ku qabaa ma jirto.
Markii aan arkay inay bulshadu u baahantahay Barnaamij ay ka
helaan buugaag kaladuwan oo loo soo koobo ayaan dadaal badan galay. Sababta aan
buugaagta u gorfeeyo waxa ugu muhiimsan:
1- In qofku
xulasho samayn karo, oo buugaagta kala xulan karo.
2- In qofkii
waayay buug muhiima oo meel uu joogo aan oollini xogta buugga wax ka ogaado.
3- In qofkii
wax baadhayaa si fudud meel uu ugu hagaago helo.
Waxa aan bulshada sannadkan 2025 ka muuqaal ahaan
kula wadaagay buug kooban, walow ay yaraayeen haddana wuxuun baan la wadaagay
bulshada.
Buugan ayaa ka mid ah:
1- Buugga la yidhaahdo ‘ Ragga oo Keliya’ faallo ayaan ka qoray. Faallada halkan ka akhri: ‘ https://cabdirisaaqsandheere12.blogspot.com/2025/05/faallada-buuga-ragga-oo-kaliya.html ).
sj
Isbeddellada
Nolosha
Sannadkan 2025 wuxuu ahaa iska caadiya. Isbeddel nololeed wuu
jiray. Noloshu waxa ay u baahantahay isbeddel iyo in qofku ka dhaqaaqo meesha
uu joogo. Waxyaabaha isbeddelka qofka lagu qiyaaso waxa ka mid ah in qofku
sameeyay isbeddel deegaan, isbeddel shaqo, isbeddel maskaxeed, nafsadeed, iyo
isbeddel si guud laan la mid ah laamaha noloshiisa taabanaya uun. Anigu
shakhsiyan isbeddel waan sameeyay, qofkastaana isbeddel wuu sameeyay,
isbeddelka ugu yar qofka sameeyay waa ka da’diisu isbeddeshay ee dhinaca wedka
u dhawaaday.
Safarrada
aan galay sannadka 2025
Safarku waa cashir nololeed oo wayn. Markasta oo qofku safro wuxuu soo arkaa waxyaabo badan iyo meelo kala duwan. Taasi waxa ay qofka siisaa xog iyo cashir uu wax ku qaadan karoo. Sannadkan meelo kala duwan ayaan maray.
Sannadkan meelaha aan booqday waxa ka mid ah magaalada Diridhaba. Magaaladaasi waa magaalo jawi ahaan mid diirrimaad ah oo kulul. Waxyaabaha aan ku arkay magaalada waxa ka mid ah khudaarta badan ee magaalada ceegaagta. Meelkasta magaalada khudaar wanaagsan ayaa taallay.
Sannadkan meelaha aan tagay ee xiisaha ii sameeyay waxa ka mid ah magaalada Berbera. Magaalada Berbera may ahay markii koowaad ee aan tago, laba jeer oo hore ayaan tagay, markii hore waxa ay ahayd sannadkii 2019kii, halka markii 2aad ay ahayd sannadkii 2021kii. Markasta oo aan Bebera tago waxa aan la kulmayay horumar cusub oo magaalada ka socda iyo bulsho goba.
Magaaladu waa magaalo dhisan. Dhinaca waddooyinka aad bay ugu horreysaa, oo waddooyin qurxoon oo si wanaagsan loo dhisay ayaa buux ah. Inta suuqa ma jirto waddo aan laamay ahayni. Been ma sheegin haddii aan idhaa Berbera waa magaalada ugu waddooyin qurux badan, ugun laamay wacan Soomaalilaan.
Intii aan magaalada joogay waxa aan ku qabtay labo barnaamij. Barnaamijkii koowaad, waxa aan ku qabtay Maktabadda Dadwaynaha Berbera ( Berbera Public Library). Wuxuu ku saabsanaa ' Dunida Akhriska.' Waxa aan bulshada qaybaheeda kala duwan ka sheekaysannay akhriska iyo guud ahaan sida uu koboca bulshada uga qayb qaato.Waxa ka soo qaybgalay dhallinyaro kala duwan oo iskugu jira wiilal iyo gabdhaba. Markii soojeedintaydii dhammaatay ka soo qaybgalayaasha ayaa ka dhiibtay fekerro iyo faallooyin, qaarkoodna wayddiimo ayay madasha ku darsadeen. Wuxuu ahaa barnaamij midhadhala, oo wax lagu kala faa'iday.
Barnaamijka labaad ee aan qabtay intii aan Berbera joogay wuxuu ahaa ' Talooyin ku saabsan hannaanka wax loo akhriyo.' Waxa aan ku qabannay Xarunta Dhallinyarada Berbera ( Berbera Youth Center). Waxa aan madashaas si wanaagsan wax korodhsi isku waydaarsannay dhallinyaro labaataneeyo ah. Xog wanaagsan oo akhris ah ayaan kala qaadannay.
Intii aan Berbera joogay waxa aan si wanaagsan ugu dalxiisay Badda Batallaale ee Berbera. Xiise aan u qabo biyaha badda iyo jawigeeda deggan maalinkasta 1saac iyo badh ayaan ku qaadan jiray. Jawi deggan iyo biyo diirran ayay baddu leedahay, waxaanan ka dareemay caafimaad iyo xasillooni.
Intii aan Berbera joogay waxa isoo dhaweeyay saaxiibbaday Cabdinaasir Afrika, oo ah u dhaqdhaqaaqe arrimaha bulshada ah, ganacsade iyo garyaqaan, iyo Farxaan Rakad oo ah Iskuduwaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Gobolka Saaxil, iyo ganacsade. Si wayn baan labadaas nin ugu mahadnaqayaa.
Gebagebo
Guud ahaan sannadkani wuxuu ahaa sannad qiimihiisa wata. Waxa intaas ba barbar socday oo aan ka madhnayn qabashada shaqooyinka maalinlaha, wax korodhsiga, shaqada, waxbarashada, jimicsiga IWM. Noloshu intaas sare uun maaha, way ka ballaadhantahay. Se muhiimaddaydu waxa ay ahayd uun waxa aad korodhsatay xus, si ay xasuus kuugu noqoto, ciddii u baahanna dhiirrigelin iyo shidaal ugu noqoto, sannadka soo socdana ay ku talagalaan inay waxbadan korodhsadaan.
Sannadku wuu wanaagsanaa. Sidoo kale, wuu qadhaadhaa, oo xasuuso adeg ayaa ku jiray. Ka soo socda inuu sidan ka wanaagsanaado ayaan rajaynayaa.
W/Q: Cabdirisaaq Sandheere
Diisambar 31, 2025.
Comments
Post a Comment